Sunday 10 January 2010

Garowe: “ Marna Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn kama talin kala tagida Shacabka Puntland, Faroole hadii aad soo celiso Laascaanood xilka waad haynaysaa

Garowe(AllPuntland)- Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn oo bilihii ugu dambeeyey ku jiray dadaal adag oo ku aadan soo celinta gobalka Sool, ayaa la kulmay Madaxda Puntland ugu sareysa oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo ay kala hadlayaan sidii loogu baahan yahay soo celinta Puntland.

Dawladda Puntland ayaa horay shaki ba’an ugalisay wada hadaladii magaalada Nayroobi oo ay shegtay in la doonayo in lugu kala jaro deegaanada Puntland, waxaana qaar ka mid ah Isimadaasi ay qireen in ay waxba kama jiraan tahay arrimahaasi.

" Mudane Madaxweyne, Laascaanood looma qabsan beel ahaan, waxaa loo qabsaday dawlad ahaan, anagana Puntland ayaa dawlad noo ah, waxaana loo baahan yahay in aad soo celisaan laascaanood iyo dhulka badan ee maqan, waxaa maqan ilaa 120KM, oo ay leedahay dawladda Puntland, weyna kaa horaysay Mudane Madaxweyne qabsashada Laascaanood, balse waxaan kuu balan qaadaynaa hadii aad soo celiso Laascaanood in aad waligaa heyn doonto xukunka Puntland" Ayuu yiri Garaad Abshir Saalax oo ay sacab hadalkiisa ku soo dhaweeyeen Madaxdii joogtay iyo waxgaradkiiba.

Garaad Abshir Saalax oo ka hadlayay magaalada Garowe ayaa beniyey arrimahaasi, wuxuuna sheegay in dadka udhashay Sool, Sanaag iyo Cayn ay hormuud ka ahaayeen dhismihii dawladda Puntland 1998-dii, isla markaasna aysan hada iyo hadhowtoona diyaar uaheyn in ay ka baxaan Puntland.

Garaad Abshir oo ka qeybgalay shirkii magaalada Nayroobi ayaa sheegay in shirkaas looga hadlay arrimaha ku wajahan soo celinta Laascaanood, ayna go’aamo ka soo baxeen loogana fadhiyo Shacabka Puntland iyo Madaxda dawladda in ay wax ka qabtaan qodobadaasi iyo sidii loo hirgalin lahaa.

“ Marna dadka udhashay Sool, Sanaag iyo Cayn kama talin kala tagida Puntland, marna kama tagayaan Qadiyada Puntland, waxa ayna qeyb ka ahaayeen dhismihii Puntland, meel wanaagsan ayay hada xaaladu maraysaa, waxaana lagama maarmaan ah in laga shaqeeyo isku duubnida Puntland” Ayuu yiri Garaad Abshir Saalax oo ka hadlayay caasumada Puntland.

Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa todobaadkii lasoo dhaafay wada xaajoodyo aan la aqoon waxa ka soo baxay waxa ay la qateen Madaxda ugu sareysa Puntland, oo ay kala hadleen arrimaha Sool, Sanaag iyo Cayn, sida loogu baahan yahay in wax laga qabto xaaladaha magaalada Laascaanood.

Madaxweyne C/rixmaan Sheekh Maxamed iyo Kuxigeenkiisa ayaa looga fadhiyaa in ay ka miro dhaliyaan go’aamadii ay qaadeen markii ay doorashada doonayeen, oo ay ugu weynaayeen hirgalinta amaanka iyo soo celinta deegaanada Puntland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...