Thursday 17 March 2011

Dagaal culus oo goordhaw ka dhacay degmada Luuq

Dagaallo culus oo u dhexeeyay maleeshiyaad kawada tirsan Mushrikiinta Itoobiya taabacsan ayaa goordhaw kusoo gaba gaboobay degmada Luuq ee Wilaayada Gedo.
Wararka nagasoo gaaraya Luuq ayaa xaqiijinaya in laba Maleeshiyo oo kawada tirsan cadawga ay rasaas isla dhaceen kadib markii ay isku qabteen dhac iyo boob ay u geysanayeen Bakhaaro ganacsi oo shacabkii lahaa ka carareen.
Ilaa iyo 10 katirsan maleeshiyaadkii huwanta ayaa ku dhintay dagaalka waxaa kale oo dhaawacmay 5 qof oo ay rasaastu ugu tagtay gurayhooda, ilo wareedyo ayaa AmiirNuur Media u sheegay in maleeshiyaadka dagaalamay ay qaab beeleed isku qabteen.


Cabdi Barre Cabdi oo u hadlay saraakiisha Soomaalida ee Itoobiya lasocota ayaa xaqiijiyay in dagaal ka dhacay Luuq balse wuxuu beeniyay in dhimasho iyo dhaawac ay dhinacyada kala gaaleen.


Ciidamada Xabashida ee ku sugan buundada degmada Luuq ayaa markii dambe soo farageliyay dagaalkii Luuq ka dhacay

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...