Thursday 17 March 2011

Maleeshiyadii Kenya lagu soo tababaray oo qaab Beeleed isu haysta ka dib markii ay ku jabeen dagaalkii Diif

amiirnuur.comMaleeshiyaadkii Axmed Madoobe ayaa u firxaday dhanka dhulka Soomalida ee Kenya gumeysato halka hogaamiyaashii maleeshiyada ay qabteen dhanka magaalada Nairobi.
Weriyaha amiirnuur.com uga soo warama Wilaayada Islaamiga ah ee Jubada Hoose oo ku sugan Diif ayaa soo sheegay in Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay dhaawacyadooda geysteen deegaanka lagu magacaabo Dijanbuula oo dhaca gudaha dhulka Soomaaliya ee Kenya gumeysato.
Sida warar sugan sheegayaan gudaha Kenya ayaa lagasoo diray ciidan dhan 600 oo Askari kuwaasi oo in mudda ah tababaro ku qaadanayay meel ku dhaw magaalada Xeebta leh ee Mobaasa, ciidankaasi waxaa khudbad u jeediyay Axmed Madoobe oo ku jabay dagaalkii Diif.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in hogaaminta ciidanka ay isku khilaafeen horjoogayaal qaab beeleed isku qoomay, mid kamida saraakiisha Axmed Madoobe ayaa ku dooday "Beesha Ogaadeen ayaa hogaaminaysa ciidanka" halka mid kale uu ku dooday "Beesha Mareexaan baa hogaamineysa ciidanka".
Maleeshiyaadka Kenya lagu soo anshax xumeeyay ayaa qaab beeleed madaxa iskula jira wuxuuna midba midka kale u tiirinayaa qabiil, iyaga oo og in waxa ka horeeya yihiin gumaca baaruudda Mujaahidiinta Soomaaliyeed.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe iyo horjoogayaasha isku qabtay hogaaminta dagaalka looga yeeray magaalada Nairobi halkaasi oo lagusoo xalin doono khilaafka u dhexeeya.Ciidanka gaaraya 600 ee Axmed Madoobe lagusoo xoojiyay waxaa hogaaminaya Sarkaal lagu magacaabo Cabaas oo in mudda ah majaraha u hayay ciidan tababar uga socday gudaha Kenya.

2 comments:

Unknown said...

this is the problem, when people hearts are not united that is what could happen. the al-shabbab united pace on there religion,and the maleeshiyada kenya they believe tribe. so who is going to win?

Unknown said...

this is the problem, when people hearts are not united that is what could happen. the al-shabbab united pace on there religion,and the maleeshiyada kenya they believe tribe. so who is going to win?

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...