Dagaalo saf ballaaran ahaa ayaa xalay la isku miray Magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid qorsheysan oo Xarakada Alshabaab gees ka gees uga qaadeen Xeyndaabka Muqdisho ee ay kaga sugan yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG, gaar ahaan qeybaha la isku hor fadhiyo.
Dagaaladan oo bilowday 11-kii habeenimo ee xalay ayaa soconayay muddo labo saacadood oo xiriir ah,iyadoo uu ka dhacayay dhowr jiho oo ka mid ah goobaha la isku hor fadhiyo.
Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan oo ahaa kuwo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka kala dhacay degmooyinka Dayniile gaar ahaan qeybta Jidka Warshadaha, Hodan, Howlwadaag, Boondheere, Wardhiigle iyo degmada C/casiis.
Dagaalada oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa ku wajahnaa fariisimaha ay aagagaas ku leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG, inta isku dhirirsan ee kala ah xaafadaha degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo Boondheere.
Sidoo kale dagaalada ayaa xoogooda waxay ka dhaceen dhanka xeebta ee Jidka Liido ee degmada C/casiis oo laga maqlayay hugunka madaafiicda culus ee la is dhaafsanayay.
Inta la og yahay ilaa toban ruux ayaa ku dhimatay dagaaladaas oo ahaa kuwo madaafiicda habowga ah guryahooda ugu tageen, waxaana ku jira qoysas u badnaayeen caruur oo ku le'day madaafiicda, kuwaasoo oo ku kala dhaqnaa degmooyinka Dayniile iyo Yaaqshiid.
Ma jirto wax war ah oo ka soo kala baxay dhinacyada dagaalamay, waxaana dagaalkii xalay uu ahaa kii ugu cuslaa ee habeenadii la soo dhaafay soo mara magaalada, inkastoo inta badan dagaalada looga bartay waabarigii hore ee subaxdii iyo xilliga casir gaabadkii.
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment