Wednesday 16 March 2011

Xarakada Al-Shabaab oo si rasmi ah ula wareegtay deegaanka Diif

Muqdisho RBC Radio) Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah ula wareegtay deegaanka Diif ee gobalka Jubada Dhexe.
Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Al-Shabaab ay si toos ah ula wareegeen deegaanka Diif oo ay mudooyinkii ugu danbeeyay ay ku sugnaayeen ciidamadii Raaskambooni.
Waxaa la sheegay in aysan waxdagaalo ah aysan ka dhacin deegaanka Diif isla markaana ay isga baxeen oo kaliya deegaankaasi ciidamadii mudooyinkaan ku suganaa ee uu hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe.
Wararka laga helayo halkaasi ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in haatan ciidamada Al-Shabaab ay ku suganyihiin deegaankaasi isla markaana xaalada deegaankaasi ay haatan tahay mid degan, inkastoo wali dadka deegaanka ay qabaan cabsi ah in ay dagaalo dhacaan oo ay weerar soo qaadeen ciidamadii deegaankaasi lagala wareegay.
Waxaa la sheegayaa in ciidamadii Raaskaambooni ay u ruuqaansadeen dhanka wadanka Kenya ka dib markii ay ka warheleen in magaalada ay ku soo wajahanyihiin ciidamada Shabaabka.
Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Al-Shabaab ay la wareegeen deegaankaasi hase ahaatee looga saaray dagaal rogaal celis ah oo ay soo qaadeen ciidamada Axmed Madoobe.
Dadka deegaanka ayaa xiliaan waxa ay qabaan xaalad cabsi ah waxa ayna ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...