Howlagaladani aya si Isku Mid ah waxaa ay uga soconayaan Xaafadaha iyo Faras Magalaha Magalada Laascaano waxaana sida wararka ay sheegayan Halkaasi Lagu xiray dad Farabadan oo Loo xiray sababo La xirira sargaal dhawaan Lagu Dilay Laascano.Wariye Ku Sugan Laascaano oo Magaciisa ka Gaabsaday ayaa RBC Radio u Sheegay in ay Jiraan Maanta dad Laga xirayay Goobaha Maqaayadaha lagu SHaaho iyo Goobaha kale ee Ganacsi Ku Yaala Bartamaha Magalada Laascano.
Sidoo kale Wariyahani aya xaqiijiyay in Howlgalada Ay Xoogeysteen Ka dib Markii dhawaan Gudaha Laascano Lagud dilay Gudoomiyihii Maxkamada Laascaano.
Waxaana Xubnaha amniga ee Laascaano ay Baarayaan Hotelada ay dagan Yihiin dadka socotada ah ee Ku Hakanaya Magalada Laascaano Arimaha Baaritaanada ayaa sii socon doona Waxaana Muhiimda baaritaanada ay Tahay Sida Taliska Ciidamda Laascaano ee dhinaca Somalialand ay sheegen in La helo dadka ka danbeyay dilalka ka dhacaya Magaladasi Xiliyada Habeenki ah.
Xafiiska Wararka ee Booosaso
No comments:
Post a Comment