Wednesday 16 March 2011

Nabadoon Axmed Diiriye oo Canbaareeyay Duqaymaha waxyeelada Geestay oo lagu garaacay xaafadaha Muqdisho

Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay duqaymo ku dhaceen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho isla markaana ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo anaan waxba galabsan ayaa arintaasi waxaa canbaareeyay odoyaasha dhanka Hawiye.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afayeenka Odoyaasha dhaqanka Hawiye ayaa waxa uu sheegay in duqaynta loogeestay xaafadaha magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo ayaan daro ah.
Axmed Diiriye Cali oo ah Afayeenka Odoyaasha Dhaqanka Hawiye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahanyahay in duqaynta laga joojiyo goobaha ay daganyihiin dadka shacabka ah.
Waxa uu sheegay in madaafiicdii ugu danbaysay ee lagu garaacay xaafadaha magaalada Muqdisho ay waxyeelo ka soogaartay dad rayid ah ee aanan waxba galabsan.
Hadalka Nabadoonkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili madaafiic xoogan saacadihii ugu danbeeyay lagu gaaray xaafadaha magaalada Muqdisho taasi oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay dadka rayid ah.
Ma ahan markii ugu horay oo ay odoyaasha dhaqanka hawiye ay canbaareeyaan duqaymaha loogaysto xaafadaha magaalada Muqdisho oo ay ku waxyeeloobaan dadka shacab ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...