Sunday 13 March 2011

Faallada Mahiigaan: Ogoosto kadib iyo natiijooyinka aan fillan karno.

Sawir
Gollayaasha lagu lafa gurro siyaasadda Soomaaliya  waxaa hareeyey haddal haynta  isbadalada la fillan karo  bisha oogosto  ee  nagu soo fool leh oo ah waqtiga  uu Shariif Xasan waa gudoomiyaha Baarlamaan-kee u asteeyey inay dhacdo doorashada loo gallayo xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kan madaxweynaha taas oo ay ka dhallan karto isbadel weyn oo saameeya hoggaanka TFG-2 iyo xukuumadda Farmaajo.

Haddaba marka dhinac kasta laga eeggo waxaa la saadaalin karaa in saddex natiijo midkood  la fillan karno bisha oogosto iyo wixii ka dambeeya. Waxaa xusid mudan in  maanka lagu hayo in saddex-daan natiijo  ay si weyn ugu xirnaan doonnaan sidda ay labada kaam ee ay kala hoggaaminayaan gudoomiyaha Baarlamaaka iyo madaxweynuhu ugu kala dheereeyaan hanashada iyo taageerada shanta boqol iyo kontonka  xubnood ee sida sharci daradda ah  u dheeraystay jiritaanka waqtigooda.

Natiijada koowaad ee  aan fillan karno ayaa ah qorshaha ay wada wadaan guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo xukuumadda Addis-ababa oo ayadoo  fullinta qorshahaas  u soo magacawdey C/siis Axmed oo ahaa wakiilkii xukuumadda Adis-ababa u matalayey shirkii dib u heshiisiinta ee Mbagathi 2002/2004 sifiicana u kala yaqaan xildhibaanada iyo hab dhaqankooda siyaasadeed. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kullan lagu xoojinayo qorshahaas uu magaalada Addis-ababa ku dhexmaray gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan  iyo madaxweynaha maamul gobolleed Puntland C/raxmaan Faroole waxaana la sheegayaa in arrimaha la isla soo qaadey ay ka mid tahay in doorashada maxweynaha lagu qabto meel aan Muqdisho aheyn.  Qorshahaan ay taageerayso xukuumadda Addis-ababa ayaa ah  in Baarlamaanka loo daayo saddexda sano ee uu korarsadey  iyo in la aaddo doorosho loo gallo xilalka madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka, natiijada ay ka rabto Itoobiya doorashadaan ayaa ah in ay doorashada ku soo baxaan guddoomiye Baarlamaan, madaxweyne iyo golle xukuumadeeed oo ay Addis-ababa raali ka tahay markaasna lagu laabto marxaladdii Geeddi iyo Cabdullaahi.

Natiijada kale ee ayana la fillan karo balse aad  moodid inaysan taageero xooggan haysan, gaar ahaan dhanka waxa loogu yeero beesha  caalamka  (International Community)  ayaa ah  in xaaladdu sidey hadda tahay loo-daayo oo TFG-2  si wada jir loogu sameeyo waqti kordhin. Hase ahaatee waxaad moodaa inay arrinkaas aad uga caga jiideen, midowga Afrika iyo IGAD oo ay  Addis-ababa ka dhex ololeynayso si ay u taageeraan qorshaheeda ku aadaan xilligga kala guurka, sidoo kale miwoga yurub ayaa ayagana la dareensan yahay inay doonayaan inuu dhaco  isbadal dhanka hoggaanka ah (leadership change) taasoo loo fasirtay in dhinacyo badan ay doonayaan in madaxweyne Sheekh Shariif meesha ka baxo, war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii  ka dhacay dalka Ghana bilowgii bishaan  ayaa waxaa uu ahaa mid siweyn ay uga dhex muuqatay doonitaanka isbadal  iyo doorasho dhanka hoggaanka ah. Hase ahaatee dhanka kale waxaad moodaa in kaamka madaxweynuhu ay isku dayayaan inay  illaa iyo xad dagaalamaan oo wado kasta oo ay ku badbaadi karaan qaadaan. Isbadalkii lagu sameeyey hoggaanka ciidamada ayaa loo fasirey mid qeyb ka ah dagaalkaas siyaasadeed oo lagu wiiqayey Shariif Xasan  kadib marka xilka  hoggaanka nabad sugidda laga qaadey Maxamed Sheekh oo mudo dheer gacan yare u ahaa Shariif Xasan sidoo kale dagaalada iyo labiska ciidanka ee madweyne Shariif mudooyinkaan ku taagnaa ayaa ah  tillaabo  kale oo xal loogu raadinayo madax wareerka siyaasadeed uu Shariif Xasan ku abuuray kaamka madaxweynaha, balse waxaa muuqata in fikradda ah TFG-da haloo wada kordhiyo inay shiikhdey.



 Natiijada saddexaad ee ayana la filan karo ayaa waxaa ay tahay in Kaamka madaxweynuhu ogolaadaan ka qeyb  galka tartanka ayna isku dayayaan  hanashad taageerada iyo codadka xildhibaanada si ay markale ugu soo laabtaan hoggaanka,arrintu si kastaba ha ahaatee haddii TFG-2 isku raacaan in saddexda sano loo daayo baarlamaanka, laakiin loo dareero doorasho loo gallo xilalka madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, taaasi waxay  fursad siin kartaa  inay tartanka madaxtinimada ay soo gallaan siyaasiyiin iyo shaqsiyaad aan ayagu ka tirsaneyn kaamka Itoobiya ee uu hoggaaminayo Shariif Xasan iyo Kaamka  madaxweyen Sheekh Shariif Axmed uu hoggaaminayo.

Siyaasiyiintaas iyo shaqsiyaadkaas aan labadaan xero ka tirsaneyn waa dhici karta inay guul ka gaaraan doorashada iyo loolanka haddii ay si fiican isku abaabulaan laakiin waxaa culays weyn kaga imaanayaa Shariif Xasan iyo taageerayaasha Itoobiya oo ayagu hadda siweyn u abaabulan, tiiyoo uu kusoo biirey C/raxmaan Faroole. War-bixinta ICG waxay  taabatey in kooxda la magac baxdey kutlada ee mar gudoomiye u doortay xildhibaan Cabdi Xaashi ay saameyn ku dhex leedahay baarlamaanka, laakiin xaqiiqdu way ka duwan  tahay sida ay warbixinta ICG u buunbuunisay  sababtoo ah saameyntooda siyaasadeed  aad loogama  dareensana dhanka Soomaalida mana jiro  mab’da siyaasdeed oo  isku xira kooxdaas,  kaliya waxay ahaayeen koox si kooban uwada shaqeeyey ayagoo  markaas kasoo horjeedey in Shariif Xasan uu  noqdo gudoomiyaha baarlamaanka, sidaasdarteed lama baciidsan karo natiijada baarlamaanku inay ku dhamaato habka ay xabashidu abaabulayso, inkastoo saameyntii ay Itoobiya ku laheyd baarlamaanka xilligii Mbagathi aysan hadda ku laheyn haddana baarlamanka waxaa ka jiro xubno badan oo muddo dheer xiriir hoose iyo wada shaqeyn lahahaa xukuumadda Addis-ababa, ayadoo intaas ay dheertahay in gudoomiyaha baarlamaanku si weyn ula shaqeynayo.

 Maxaa nala gudboon. Aad iyo aad bay u wanaagsanaan laheyd  haddii dadka magaca baarlamaanka Soomaaliya wata ay ahaan lahaayeen xubno wax ku dooranaya si waafqan dannaha iyo maslaxadda ummadda iyo qaranka Soomaaliyeed, taasoo fursad siin lahedy wadaniyiin dalkooda iyo dadkooda jecel daacadna u ah, lehna karti  wax  lagu hoggaamiyo, balse khibaraddihii hore  waxay na tusayaan inaan baarlamaankaan iyo xubihii-saba aad  looga fillan karin inay dhanka maslaxada qaranka u liicaan. Labada qodob ee baarlamaankaan dhexdiisa muhiimka ka dhex ah waxaa weeye, yaa lacag badan?  iyo yaa dowladdo shisheeye wataan?

Haddaba sida muuqataa Soomaalida waxaa kusoo fool leh haddii aan illaah rajo  daaqad kale naga siin koox kale oo  magac dowladda Soomaaliyeed wadata oo xukuumadda Addis-ababa  adeegsato  si ay danaheeda qaran ee ay ka leedahay Soomaaliya  ugu fulsato, Soomaaliya aysan ka soo cifan burburka qaran.Waxaa nala gudboon waa  in xooggaga siyaasadeed ee ay  dhabta ka tahay difaaca dannaha qaranka Soomaaliyeed ay meel iskugu geeyaan aqoontoo, kartidooda, dhaqaalahooda iyo dadaalkooda siyaasdeed, ayadoo la hiigsanyo in dalkeena taladiisa aan yeellano  oo aan xullan karno  madax u qalanta  matalaada qaranka iyo ummadda.   

Guul iyo Gobonimo

Mahiigaan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...