Saturday 5 March 2011

Khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo ka dhacay Degmada Beledxaawo

Muqdisho (RBC Radio) Waxaa la sheegayaa in khasaaro aad u farabadan uu ka dhashay dagaalkii xooganaa ee maanta ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobalka Gado.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaa in dagaalada xoogan ee maanta ka dhacay degmadaasi ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 20 ruux in kabadan halka ay ku dhaawacmeen inkabadan 50 ruux oo kale.
Dagaalada maanta ka dhacay degmada Beledxaawo ayaa waxaa bar bar socday madaafiic xoogan oo geesatay khasaaraha ugu badan.
Khasaaraha ugu badan ayaa waxaa la sheegay in uu soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamay degmadaasi ee dowlada KMG Soomaaliya kuwa Ahlu Suna  iyo Xoogaga Al-Shabaab.
Ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Suna ayaa haatan wararku waxa ay sheegaan in ay sibuuxda ula wareegeen gacan kuhaynta degmada Beledxaawo.
Ciidamadii Al-Shabaab eek u sugnaa degmadaasi ayaa waxa la sheegay in ay u jiheesteen degmooyinka garbahaaray iyo Ceelwaaq oo ka tirsan gobalka Gado.
Dagaalada maanta ayaa waxa ay haayeen kuwii ugu xooganaa oo mudooyinkaan kadhaca gobalka Gado.
Ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Suna ayaa mudooyinkaan oo dhac waxa ay qorshaynayeen in ay la wareegaan gacan kuhaynta degmadaasi Beledxaawo.
 RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...