Saturday 5 March 2011

Degmada Balad xaawo oo ay la wareegeen Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo gacan ka helaya ciidamada Ethiopia


Sida ay shegayaan wararkii ugu danbeyey ee ka imanaya degmada Balad xaawo waxaa la ware3egay ciidamo huwan ah ii ka kala tirsqan Somali laba dhinac ah iyo kuwo Ethiopian ah ka dib dagaalo aad u culus oo maanta ka dhacay waxaana soo baxaya in qasaaraha ka dhashay dagaaladaas u dhaxeeyayXarakada Al-Shabab iyo dowladda KMG oo garab ka halaysay Ahlu Sunna Ethiopia uu aad u badanyahey.
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo madafiic xoogan ay ku taagerayaan ciidamada Ethiopia ee ku sugan Deganka Suufka iyo Mandheera ayaa la shegay in ay guul ka sheegteen dagaaladaas, iyagoo sheegten inay la wareegeen gacan ku haynta degmada Beled Xaawoee Gobolka Gedo.
Qasaaraha ka dhashey dagaladaan ayaan la qaxiijin Karin iyadoo wararka qaar ay sheyaan in ku dhowaad 40 qofood ay ku geeriyoodeen isla markasna ay jiraan dhawacyo farabadan oo ka dhasjhey dagalka mkanta.

Waxaana ka Hadley dhinacyo kala duwan oo kala ahDowladda KMG oo dhankeeeda sheeegatey inay weerar culus ku qaaday degmada B/Xaawo, iyadoo ay dagalada si aada ugu soo laablaabteen dadkii ku sugnanaa uu ka barakacey.
Dhanka kale Sheekh Maxamed Mursal oo ka mid ah saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ee gobalka Gedo, ayaa wuxuu sheegay in ay la wareegeen gudahana ay u galeen degmada Beled Xaawo waa sida uu hadalka u dhigaye.
Xiligaan ayaa Xaaladda degmada B/Xaawo wali waxaa ay tahey kacsan , waxaana dadku ay muujinayaan walwal fara badan dhinaca ammaanka ah, iyadoo dad fara badan ay mar sii horaysay magaalada ka carareen.
Wali ma jiro warar rasmi ah oo ka soo baxay ciidamadii hoey Degmadaasi gacanta ugu hayey ee dhinaca Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab oo ku aadan dagaalada maanta ka dhacay degmada B/Xaawo ee gobalka Gedo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...