Tuesday 15 March 2011

Kooxo Hubeysan oo xalay Laascaanood ku dilay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool

Dabley Hubeysan ayaa habeenimadii xalay ku dilay Magaalada Laascaanood Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool, xilli uu ka soo baxay mid ka mid ah Masaajidada ku yal magaaladaas, oo uu ku soo dukaday salaadii maqrib.

Gudoomiyaha oo lagu magacaabayay Axmed Saleebaan Geelle ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray rasaas ay dableydan hubeysan qaarka sare ee jirkiisa kaga dhifteen.

Kooxahan ayaa durba goobta ka baxsaday, iyadoo Ciidamo Boolis ah ay soo gaareen degmada, kuwaasoo aan u suura gelin inay qabtaan.

Waa dilkii labaad oo muddo bil gudaheed ka dhaca Laascaanood, waxaana dilalkan ay yihiin kuwo qorsheysan oo lagu ugaarsanayo mas'uuliyiinta Ciidamada, saraakiisha Gobolka iyo xubnaha kale ee Maamulka Somaliland.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...