Tuesday 15 March 2011

Ciidamada Mujaahidiinta oo dib uga gurtay Beled Xaawo Kadib dagaal culus oo ay xalay ku qabsadeen

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dib ugasoo baxay magaalada Beled Xaawo ee wilaayada Gedo kadib markii ay dagaal kula wareegay xalay fiidkii.
Wararka nagasoo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliya ay degeen duleedka Beled Xaawo waxayna isha ku hayaan dhaq dhaqaaqyada ciidamada xabashida ay ka wadaan Kastamka u dhexeeya Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Khasaara xoogan ayaa cadawga kasoo gaaray dagaalkii qaraaraa ee xalay ka dhacay magaalooyinka Mandheera iyo Beled Xaawo, cutubyo katirsan Mujaahidiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay gudaha u galay Mandheera halkaasi oo ay ku baacsadeen cadawga.

Mujaahidiinta ayaa dhinac ka jooga magaalada halka cadawga Itoobiya ay iyana joogaan kastamka Mandheera majirto waxyeello  kasoo gaartay Shacabka Beled-Xaawo dagaalkii xalay madaama magaalada tahay mid haawaneysa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...