Thursday 17 March 2011

Safaarada UK ee Nairobi Qeybta Soomaaliya oo ku Dhex Dhacday Fadeexad Weyn (Cadeymo)

Muqdisho (RBC) Safaarada wadanka Ingiriiska qeybta qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa si cad ugu bariiqatay fadeexad ku saabsan in hub loo gudbiyo maamulka Somaliland waqti ay dagaalo ka socdaan deegaanka Kalshaale.
Sida ku cad dukuminti qoraal ah oo RBC Radio heley waxaa wakiilka safaarada u metela arimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Matt Baugh codsi u jeediyay safiirka DFKMG Soomaaliya u jooga dalka Kenya ambassador Maxamed Cali Nuur [Ameriko] isagoo ka codsaday inuu warqad u soo qoro taasoo cadeyneysa in TFG [DKMG Soomaaliya] ay raali ka tahay sidii taageero militeri loogu fidin lahaa maamulka Somaliland oo sida uu sheegay wakiilka UK wax looga qabanayo la dagaalanka wax uu ku sheegay amaan darri ka jirta gudaha Somaliland.
Waxyaabaha ku qoran warqada:
- In dawlada UK ay dooneyso taageero dhanka militeriga oo ay siineyso Somaliland.
-In taageeradan militeri oo khuseysa dhanka amniga ay tahay mid ku wajahan si Somaliland uga hortagto wax loogu yeeray “shakhsiyaad iyo kooxo doonaya inay wiiqaan amaanka Somaliland”.
- Safiirka DKMG Soomaaliya ee Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameriko waxaa laga codsaday inuu warqad ku soo jawaabo, kuna soo cadeeyo sida uu u taagersan yahay hindisahan ka soo baxay wakiilka UK ee Soomaaliya Matt Baugh. (Fadlan ha xadin qoraalkaan-Raxanreeb.com baa leh qoraalkaan- hadaad jecleysato na weydiiso)
- Matt Baugh wuxuu cadeeyey in taageeradan militeri ay qeyb ka tahay qorshaha UK ee taageerada guud ahaan  Soomaaliya ee sanadka 2011-2012.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...