Monday 7 March 2011

Xasuuq Fool-xun oo Luuq ka-dhacay (Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Bare-Hiiraale oo Tacadiyo Fool-xun iyo Xasuuq geystay)

  PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Monday, 07 March 2011 23:48

Ciidamadii  huwanta ahaa ee maanta gaaray magaalada Luuq ayaa ku dhaqaaqay tacadiyo fool xun oo ay kula kaceen dad xoola dhaqata iyo beeraley ah kadib markii ay diideen in ay macluumaad ka bixiyaan halkii ay Shabaab ku dambeeyeen.

Wararka naga soo gaaraya Luuq ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ay galabta toogteen 2 Nin oo midkood uu ahaa Oday da’ ah, waxaana lagu Eedeeyay in uu gaari dameer uu lahaa ay biya ku dhaansan jireen ciidamadii Xarakada Shabaab ee Luuq maamuli jiray

Dadka faraku tiriska ah ee ku haray magaalada Luuq ayaa sheegay in ay arkeen Askarta Itoobiya oo Marxuumiinta la dilay usii dhaadhicinaya Buundada Luuq kadibna waxay maqleen rasaas ay ciidanka Itoobiya ku dileen dadkii Rayidka ahaa.

Xaalad cabsi leh ayaa weli laga dareemayaa magaalada Luuq oo hadda laciir ciireysa Ciidan wata taangiyo oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Xasuuqa ay galabta geysteen ciidamada Itoobiya  geysteen ayaa la rumeysan yahay in ay bilaaw u yihiin gabood fallo ay la damacsan yihiin shacabka Gedo.

 Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo Soomaali ah oo qeyb ka ahaa duulaanka loo diiday in ay fariisin ka dhigtaan xarunta Degmada, waxaana halkaasi degay Saraakiisha hogaaminaysa ciidanka Itoobiya ee Luuq qabsaday.

Waa Tacadigii 2-aad oo ay geystaan ciidamada huwanta ah ee ay Itoobiyaanku hor kacayaan markii ay Beled-Xaawo qabsadeen Gabdho toogasho ku dilay

Daahir Guuleed

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono 

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...