Monday 7 March 2011

Wararkii ugu dambeeyay ee Gedo iyo Boqolaal katirsan Ciidamada Mujaahidiinta oo Ceel Waaq iyo Beled Xaawo gaaray.

Wilaayaatka Islaamiga Somaaliya ayaa ciidamo xoojin ah u diray wilaayada Gedo oo ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo balaaran oo lagu wiiqayo ciidamada Xabashida iyo Maleeshiyaadka Murtadiinta ee duulaanka ku qaaday wilaayadaasi. Boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta ayaa Caawa kaabiya ku haya magaalada Beledxaawo kadib markii ay maanta gelinkii dambe magaaladaasi isaga carareen ciidankii Kirishtanka Itoobiya iyo Maleeshiyaadkii la socday.
Ciidamada ugu badan ayaa kasoo dhaqaaqay magaalada Garbahaareey iyo muamiirnuur.comcaskaraat ku yaal Gedo oo in mudda ah lagu tababarayey ciidamada Mujaahidiinta islamarkaana boqolaal shabaab ah isku diyaarinayeen.
Ciidamada Milleteriga Mujaahidiinta ayaa lagu arkayaa wadooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn ee wilaayada Gedo halkaasi oo ah Istiraatiijiyada ugu muhiimsan oo cadawga lagu wiiqi karo.
Ciidankii Tikreega ee saaka gaaray Luuq ayaa Caawa Bandaw kusoo rogay magaalada sababa laxariira cabsi ay ka muujinayaan weeraro uga yimaad shacabka iyo ciidankii Mujaahidiinta ee magaalada si nabad gelyo ah uga baxay.
Dhinaca kale Boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta ayaa galabta gaaray magaalada Ceel Waaq ee wilaayada Gedo oo kamid ah meelaha ay cadawgu duulaanka kasoo wadaan.
Ciidanka oo saaka kasoo dhaqaaqay Saakow iyo Bu'aale ayaa galabta magaalada galay iyagoo Takbiirsanaya si ay u xoojiyaan ciidankii hore halkaasi u joogay oo u badnaa Xisbo amaanka u sugayey shacabka Muslimiinta ah ee degmadaasi ku dhaqan.
Maleeshiyaad Murtadiin ah oo in mudda ah lagusoo carbinayay dowladaha Kirishtanka Kenya iyo Itoobiya ayaa lafilayaa in ay iskusoo maqiiqaan Ceel Waaq halkaasi oo ay ugu diyaarsanyihiin geesiyaasha Islaamka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...