Sunday 13 March 2011

Xiisado Dagaal oo Laga Dareemayo Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Dowlada oo ku Hanjabay in ay Ka Saari Doonan Shabaab

Muqdisho (RBC Radio) Xiisadao dagaal ayaa waxaa laga dareemayaa gobalka Hiiraan ee Bartamaha wadanka Soomaaliya.
Xiisadhaan ayaa waxa ay u dhaxeeyeen ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-habaab ee gasanta ku haaya gobalka Hiiraan.
AXmed Nuur Dabaashe Cago Jof oo ka mid ah saraakiisha dowlada KMG SOomaaliya ee gobalka hiiraan oo Saxaafada la hadlaya ayaa waxa uu sheegay in ay haatan jiraan xiisado dagaal.
Sargaalkaan ayaa waxa uu sheegay in ciidamadooda ay si aad ah ugu soo dhowaadeen magaalada Beledwayne ee Xarunta gobalkaasi Hiiraan isla markaana ay doonayaan in ay Al-Shabaab la dagaalamaan.
Dabaashe Cago Joof ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay markaan doonayaan in ay soo afjaraan xarakada Al-Shabaab ee gobalka Hiiraan isla markaan ay hatan ka saaraan dhamaanba deegaanada gobalkaasi.
Magaalada Beledwayne ee Xarunta gobalka Hiiraan iyo degmooyinka kale ee gobalka ayaa haatan waxaa gacanta ku haaya xoogaga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.
Waxaa haatan laga cabsi qabaa in ay dagaalo ka dhacaan nawaaxiga magaalada Beledwayn waxaana la sheegayaa in ay xiligaan cabsi la soo daristay dadka rayid ah eek u nool gudaha iyo hareeraha magaalada Beledwayn.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...