Monday 14 March 2011

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Xarrakatul Shabaab aan si fudud looga saari karin magaalada Muqdisho

Isniin, Maarso 14, 2011 (HOL) Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inaan si fudud looga saari karin magaalada Muqdisho Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM, kana talisa inta badan Muqdisho.
"Dagaalka ka socda Muqdisho waa dagaal magaalo, lamana mid ahan kuwa meelaha cidladaha ka dhaca, waayo Xarrakatul Shabaab waxay magaalada ka sameysteen dhufeyso waaweyn, waxayna saaran yihiin dhismayaasha dhaadheere ee shubka ah," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo maanta oo Isniin ah la hadlay warbaahinta.
Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay guulo ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho kula galeen toddobaadyadii lasoo dhaafay, isagoo xusay in ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika uu qorshahoodu yahay inay ka saaraan Muqdisho Xarrakatul Shabaab.
"Inkastoo aysan wax fudud ahayn in magaalada gudaheeda lagula dagaalamo Xarrakatul Shabaab, balse qorshaheennu waa inaan ka saarno magaalada Muqdisho," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.
Xarrakatul Shabaab ayaa waxay gacanta ku haysaa inta badan Muqdisho iyo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, inkastoo dagaalladii ka dhacay Muqdisho looga qabsaday dhowr saldhig oo muhiim u ahaa.
Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga DKMG wuxuu sheegay in calaamka ay maanta ka socdaan illaa 60 dagaal oo u dhexeeya kooxo hubeysan iyo dowlado, kuwaasoo uu sheegay inay la mid yihiin dagaallada ka socda Soomaaliya.
"Cid walba oo gacan naga siinaysa dagaallada aan kula jirno Xarrakatul Shabaab waan soo dhaweynaynaa... balse ciidamada DKMG ah iyo AMISOM waxay diyaar u yihiin inay waxqabadkooda sii laba-laabaan oo ay dhulal kale qabsadaan," ayuu yiri wasiirka oo kaga jawaabay su'aal ahayd inay kaalmo weydiisanayaan caalamka.
"Waxaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ka codsanaynaa inay nagu gacan siiyaan duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu qaado goobaha ay Xarrakatul Shabaab ka taliso si ay u fududaato in laga adkaado," ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay.
Mr. Fiqi wuxuu sheegay inay ku dileen dagaalladii ay Xarrakatul Shabaab kula galeen Muqdisho hoggaamiye sare oo shisheeye ah oo lagu magacaabo Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo uu sheegay inuu hoggaaminayay dagaalkii ay ciidamad DKMG ah oo kaashanaya AMISOM ay Muqdisho kula galeen Xarrakatul Shabaab.
Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhigga wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin dagaalyahanno shisheeye ah oo tiradoodu gaarayso 3,000-qof, kuwaasoo ka kala yimid dalalka calaamka doonayana inay Soomaaliya ka dhigtaan goob ay uga duulaan caalamka intiisa kale.
Hadalkan wasiirkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra'iisul wasaare Farmaajo ay sheegeen in ciidamada dowladda KMG ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarayaan Muqdisho iyo gobollada dalka xoogagga Xarrakatul Shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...