Monday 14 March 2011

War deg deg: Dagaalo iyo duqeymo xoog leh oo caawa ka qarxay Beledxaawo

Dagaalo iyo duqeymo xoog leh ayaa caawa abaarihii 9-kii fiidnimo ka qarxay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay gacanta ku hayeen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlusuna, markii dagaal uga saareen Xarakada Alshabaab.

Sida ay sheegayaan wararka hubka cul culus oo ay ugu weyn yihiin madaafiicda ayaa laga maqlayaa degmada, iyadoo dhanka Kastamka Mandheera uu dagaalka xoogiisa ka socdo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay Shabaab caawa labo jiho kaga qaadeen Beledxaawo, kadib markii in muddo ahba ay wadeen abaabul ay ku doonayeen inay ku rogaal celiyaan.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Alshabaab oo la soo xiriiray caawa Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu caawa soconayo, isla markaana hubka cul culus iyo madaafiicda hoobiyeyaasha la isku adeegsanayo.

Dagaalkan ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii Alshabaab weeraro hoobiyeyaal ku duqeeyeen degmada Beledxaawo oo todobaad ka hor lagala wareegay.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...