Sunday 17 March 2013

Al Shabaab oo Dib u Qabsatay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool



Baydhabo (RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in kooxda Al Shabaab ay maanta dib ula wareegeen magaaladaasi ka dib markii saaka ay isaga bexeen ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa taabacsan maamulka dawlada ee gobollada Baay iyo Bakool.
Isgaarsiinta magaalada ayaa maanta gelinkii hore hawada ka maqneyd ka dib markii la demiyey, hase yeeshee duhurkii ka dib ayaa dib hawada loogu soo celiyey isgaarsiinta.
Dad ku sugan magaalada oo aan rabin in magacooda la qaato ayaa sheegay in saaka ciidamadii dawlada Soomaaliya iyo saraakiisha maamulka degmada ay isaga bexeen magaalada ka dib markii ciidamada Ethiopian-ka oo magaalada ku sugnaa ay ka guureen fariisimihii ay ku sugnaayeen taasoo keentay in Xarakada Al Shabaab dagaalyahanno ka tirsan ay si fudud magaalada u soo galaan.
Waxaa la arkayey rag ka tirsan Al Shabaab oo wajiyada u xiran yihiin oo iyagoo qoryaha fudud sita soo galay magaalada gudaheeda dhex socday.
Waxaa magaalada Xudur maanta ay ahayd meel bandow uu ka jiro oo kale iyadoo dadka ku sugan magaalada ay ku sugnaayeen guryahooda iyagoo ka cabsi qaba xaalada isbedelka ee magaalada ku soo korortay.
Dad badan oo loo arkay inay ku dhowaayeen ama la shaqeynayeen maamulkii degmada iyo saraakiishii ciidamada ee dawlada u joogay magaaladaas ayaa iyaguna isaga cararay magaalada iyagoo ka cabsi qaba in xoogaga Al Shabaab ay aargoosi u dilaan.
Maamulka gobolka Baay iyo saraakiisha degmada Xudur ka baxday midna kama hadlin xaalada degmada Xudur maanta ka taagan iyo sababta ay ciidamadau uga bexeen.  Sidoo kale Al Shabaab ayaan wax war ah ka soo saarin dib u qabshada ay qabsadeen magaalada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool mudo dheerna fariisin u ahayd maamulka gobolka Bakool oo ay la joogeen ciidamo Ethiopian ah.
Qabsashada Xudur ee Al Shabaab ayaa timid iyadoo waqti ka yar hal toddobaad ay xilka hayaan maamulka cusub ee gobolka Baay ee degmada Baydhabo fariisinka u tahay halkaasoo laga hogaamiyo hawlgalada ciidan ee guud ahaan gobollada Baay iyo Bakool ay ka wado dawlada.
Degmada Xudur waxay gacanta ciidamada dawlada iyo kuwa Ethiopia ku jirtay mudo ka badan lix bilood oo Al Shabaab halkaasi dagaal looga saaray.

RBC Radio

2 comments:

Anonymous said...

It's actually a cool and helpful piece of information. I am happy that you simply shared this helpful information with us. Please keep us informed like this. Thanks for sharing.

Here is my blog post :: premature ejaculation pills

Anonymous said...

This website was... how do I say it? Relevаnt!
! Finаlly I've found something which helped me. Thank you!

Here is my website breville fryer

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...