Ahmed Moallim Fiqi
wuxuu ku dhashay sanadka marka uu ahaan 1971, magaalada Mogadishu , intaa kadib
Ahmed wuxuu u guda galay waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe, heerkiisa dugsiga
sare wuxuu ku soo qaatay gugsiga sare ee kaasabalbalaare sanadka marka uu ahaan
1988kii.
Ahmed Moallim Fiqi intaa kadib wuxuu usii guda
galay waxbarasho heer jaamacadeed wuxuuna Arday ka noqday Jaamacadda Umadda
gaar ahaan “Kuliyadda Qaanuunka”sanadka marka uu ahaa 1990kii.
Ahmed Fiqi xiligaasi uma aynan suura gelin in
uu sii wato waxbarashadiisa Jaamacadda Umadda, balse sanadka marka uu ahaa
1991kii wuxuu deeq waxbarasho ka helay Dalka sudan Jaamacadda Khartoum gaar
ahaan “Kuliyadda Beeraha” wuxuu ka qalin jabiyay sanadka marka uu ahaa 1998kii
.
Marka uu ka qalin jabiyay jaamacadda Khartoum
wuxuu u ruqaan-saday Aaday wadanka soomaaliya isagoo qeyb ka noqday mid kamid
ah iskuulada ku yaalla xamar iyo Ururada Bulshada, muddo gaaban kadib wuxuu
xubin ka noqday Maxkamadihii islaamiga, isbaheysiga dib u xureynta.
Dhowr sanno kadib Ahmed Moalim Fiqi wuxuu
aaday wadanka Malaysia isaga oo durbadiiba biloway in uu u guda galo
waxbarashada Majesteerka ah , Takhasus master Of Management.
Ahmed Fiqi marka uu Qaatay darajada majesterka
wuxuu biloway in uu waqtigiisa ka faa’iideysto wuxuuna u guda galay in uu
dhigto daraaso kala duwan sida “Business
administration,warfaafinta,diplomaasiyadda iyo intaasi in kabadan”.
Ahmed Moalim Fiqi wuxuu noqday mid kamid ah la
taliyayaasha iyo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Shariif, dabayaaqadii 2010
Ahmed Fiqi waxaa loo magacaabay Danjiraha dowladda midnimada qaran ee
soomaaliya u fadhiyo wadanka Sudan.
Taariikhda marka ay ku beegneyd 24/05/2011-kii
Maalinimo talaado ah tahay waxaa loo magacaabay
Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida qaranka,
Maalinimadii (Axadii) Taariikhduna ku asteysaneyd 24-03-2013, waxa uu
Istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh
Maxamuud.
Ugu dambeyntii, Taariikhdu marka ay aheyd
25-03-2013 waxa uu Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho isaga oona iska
Casilay Xilka Aggaasinimo uu u haayay Xukuumadda Somalia.
No comments:
Post a Comment