Dhalinyaro Soomaali qaxooti ah ayaa waxaa la sheegay inay jirdil
xun u geysteen ciyaal Sacuudiyaan ah oo ka helay wadada xilli ay tahriib ku
jireen dhalinyararadaas Soomaalida.
Qaxootigaan Soomaalida oo
sida la sheegay ku jiray tahriib ayaa waxay u gacan galeen dhalinyaro Sacuudi
Carabiya u dhashay oo qabtey ka dibna jirdil xun u geystay iyadoona ay halkaas
ka muuqato sida mid ka mid ah dhaliyaradaas Sacuudiga ah uu si xun uga
haraatinaayo madaxa xilli ay qaxootigaas Soomaaliyeed oo lagu qasbay inay dhulka
seexdaan ay dhulka yaalaan uu asagana madaxa uu laad kala dhacaayo
muwaadiniintaas Soomaalida ah ee qaxootinimada raadinaayey.
Ugu dambeyntiina iyadoo
qaxootigaas Soomaaliyeed ay halkaas ka ka xeeyeen booliiska dalka Saciuudi
Carabiya oo soo gaarey goobtaas kuwaas oo u muuqday kuwo ay ugu yeereen
ciyaalkaas Sacuudiyaanka ah ayaa waxaa halkaas sidoo kale ka muuqday sida ay
dhalinyaradaas wali u jirdilayeen qaxootiga Soomaalida xilli uu gobtaas ku
sugan yahay booliiska dalkaas Saciuudiga, Dadka Soomaalida ayaa waxay noqdeen
kuwo ku dhibaateysan meelo badan oo ka mid ah dunida daafaheeda iyadoona ay
jirin cid u danqaneysa oo wax ka qabaneyso dhibka heysta dadka Soomaaliyeed.
No comments:
Post a Comment