Tuesday, 5 March 2013

Deg-deg: Dagaal dhimasho sababay oo ka dhacay Saylac iyo Guddoomiye Gobol oo la Afduubay



Saylac(RBC):- Hal qof ayaa geeriyooday illaa laba kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay iska hor-imaad hubaysan oo Malleeshiyo-beeleedyo ka soo kala jeeda Beelaha Samaroon iyo Ciise ee wada-dega Saylac ku dhex-maray degmada Xariirad oo ka tirsan gobolka Selal oo hore uga mid ahaan jiray gobolka Awdal ee Somaliland.
Waxay labada kooxood ee hubaysan ee dagaalku dhex-maray deegaanka Xariirad, ayaa sidoo kale mid ka mid ah labada kooxood waxay afduubeen Guddoomiyihii gobolka Selal Cabdillaahi Faarax, kaasoo RBC Radio khadka taleefanka caawa ugu sheegay isaga oo ku sugan magaalada Saylac in kooxdaas oo ay isku beel yihiin u afduubnaa muddo shan saacadood ah. Hase-yeeshee markii dambe ay soo daayeen.
Guddoomiyaha gobolka Selal Cabdillaahi Faarax oo ka hadlayey afduubka loo geystay waxa uu yiri; “Aniga Guddoomiye ahaan waa la I afduubay oo mid ka mida Kooxaha hubaysan ayaan shan saacadood u afduubnaa, gaarigayga rasaas baa lala dhacay oo xataa in la I dilo ayaa la isku deyey. Illaahay mahaddii, laakiin hadda waa la isoo daayey shan saacadood markaan afduubnaa ka dib, oo Saylac baan hadda kaala hadlayaa, waxaana la igu soo daayey dedaal ay ciidanka Booliska Somaliland sameeyeen. Laakiin, jugo badan oo nabarro ah ayey I gaadhsiiyeen.”
Guddoomiyaha Selal waxa kale oo uu Raxanreeb u sheegay inay magaalada Saylac bandoo ku soo rogeen isu-socodka gaadiidka iyo dadka, isla markaana aan hadda wax rabshado ahi taagnayn ee ay Ciidammada Millateriga iyo Booliska Somaliland gaadheen goobta dagaalku ka dhacay galabta.
“Horta immika magaaladu waa bandoo oo cidi ma dhex-marayso labadii dhinacna mid kastaaba dhankooda ayay u qaxeen. Markaa, waxaan dadka labada dhinacba u soo jeedinayaa in ay ammaanka ilaaliyaan, cid kastaana ay dhawrto sharciga loona hoggaan-samo.” Sidaa ayuu yiri Guddoomiyaha Selal Cabdillaahi Faarax.
Waxaanu sheegay in dhinaca ka dhaga-adayga baaqyada nabadeed ee Xukuumadda laga qaadi doono tallaabada ku habboon, waxaanu yiri; “Ciddii ka dhega adaygta inay nabadda dhawraan tallaabada ku habboon ayaannu ka qaadi doonnaa, mana soconayso reer Hebel iyo waa reer hebel waxaa waa la soo  dhaafay.” dalkana dawlad ayaa ka talisa cidna uga habran mayno in aanu xaalada nabad gelyo ku soo celino”
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in khasaaraha hadda jiraa yahay hal qof oo dhimasho ah iyo illaa laba dhaawac ah, waxaanu xusay inaanu hadda wax dagaal ahi halkaa ka socon. Waxaanu mar uu ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinnay sababta dagaalka labada beelood keentay in sababtu tahay khilaaf iyo muran xooggan oo ka dhashay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka ee degmooyinka Saylac iyo Lughaya iyo sidoo kale doorashadii Duqa Saylac iyo ku-xigeenkiisa oo ay beel keliyi isku qaadatay, beesha kale ee Ciise-na ka biyo-diidday.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafka ka dhashay natiijada doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland ka qabsoontay 28 November 2012, ee degmooyinkaas iyo qaabka loo doortay Maayerka iyo ku-xigeenka degmada Saylac, ayaa sababtay inay toddobaadkii hore hal mar xilka iska casilaan toban Xildhibaannada golaha deegaanka ee Saylac iyo Lughaya ka tirsan oo Beesha Ciise ka soo jeeda, kuwaasoo magaalada Tiridhaba ee Itoobiya kaga dhawaaqay inay is-casileen. Waxaana la sheegay inay xiisaddan cusub ee dagaalku ka dhalatay jawaabta ay Xukuumadda Somaliland ka bixisay is-casilaadda Xildhibaannadaas.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...