Tuesday 19 March 2013

Garoowe:Ciidamada Amaanka Puntland oo qabtay lacago Shilin Somaliya xilli la dhoofinayo

Garoowe:Ciidamada Amaanka Puntland oo qabtay lacago Shilin Somaliya xilli la dhoofinayo
19. marts 2013 APL
Ciidanka amaanka Puntland ayaa 24-saac ee la soo dhaafay qabtey lacago Shilin Soomaaliya oo lagu soo qariyey gawaarida xamuulka qaada, iyadoona tirada guud lacagta la qabtey ay tahay 190-Malyan oo Bosaso iyo Garowe lagu kala qabtey, sida uu saaxafada u sheegey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).

Lacagtan 190-Milyan ee Shilin Somaliga ah ayaa 100-Milyan oo ka mid ah lagu qabatay gobolka Nugaal,halka 90-Milyna oo Shilin Somaliya lagu qabtay magaalada Boosaaso,waxaana qabashada lacagahan iska kaashaday ciidamada amaanka iyo dadweynaha.

Cabdi Ibraahim oo ay weheliyaan xubnaha Guddiga uu madaxada u yahay ee uu dhawaan madaxweynaha Puntland u magacaabay daraasaynta iyo talo bixinta dhaqaalaha iyo sarifka Lacagaha ayaa mahad balaaran u jeediyey Ciidamada amaanka oo u xusay inay heegan ugu jiraan la socodka awaamiirta lagu mamnuucay in lacagaha laga gudbiyo gudaha Puntland.

Mudane Abdi Ibraahim waxa uu digniin u direy dadka ku howlan jabinta amarka dowlada iyo gaadiidka lagu soo qariyo lacagta oo uu sheegey wasiirku in ay talaabo ka qaadayaan islamarkaana la wareegayaan lacagtooda sidii horey loogu sheegey amarkii dhawaan kasoo baxay wasaarada Maaliyadda Puntland.

Saxaafadda oo waydiisay wasiir ku xigeenka sababta loo qabanayo lacagaha iska gudbay gobollada Puntland ayauu ka jawaabay in dadka lacagaha dhoofiya ay isticmalayaan xeelado farsamaysan oo ay rabaan inay jaahwareerin ku sameyaan bulshada,taas bedelkeeda waxaa tilmaamay inay la socdaan.

Dhanka kale wasiirka ayaa ka warbixiyey shirar labadii maalmood ee u danbeysay u dhaxeysay guddiga Madaxweynuhu dhawaan u magacaabey daraaseynta dhaqalaha Puntland oo uu sheegey in ay maalmaha soo socda kasoo saari doonaan kulamadooda najiitooyin horudhac ah .

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Cabd Ibraahim oo ah Gudoomiyaha guddigaas waxa uu intaas raaciyey in ay jirri doonaan buugaag iyo sharciyo ku saabsan xadeynta dhaqalaha Puntland si wax looga qabto .

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...