Maxkamadda Hargeysa
ayaa maanta laba sano oo xarig ah ku xukuntay Boqor Raabbi Axmed Cabdillaahi oo
ka mid ah oday-dhaqameedka Somaliland.
Boqor Raabbi ayaa
lagu eedeyay arrimo ka dhan ah madax bannaanida Somaliland.
Garsooraha
maxkamadda Hargaysa ayaa sheegay inuu Boqor Raabbi ku dhaqaaqay arrimo badan oo
ka dhan ah jiritaanka iyo madax bannaaniada Somaliland.
Waxa la sheegay inuu
Boqorka dhowaan tagay magaalada Muqdisho, isla markaana uu kaga qaybgalay shir
uusan la socon maamulka Somaliland.
Somaliland waxay
sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, kaddib dhicitaankii dowladdii
dhexe ee Soomaaliya, sanadkii 1991-kii.
No comments:
Post a Comment