Wednesday 20 March 2013

Mareykanka oo 10 milyan oo dollar ku yaboohay madaxyada 2 nin oo joogta Somalia, kana tirsan Al-Shabaab



Washington DC (Caasimada Online) - Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa min Shan Milyan oo dollar ku yaboohday kiiba akhbaar kasta oo hogaamin karta soo qabashada Cumar Xamami iyo Jehad Mostafa, oo ka tirsan kooxda Al-Shabab, lana rumeysan yahay inay joogaan Somalia.
Warbixintu, waxa ay sheegtay in waaxda Arrimaha Dibedda ay soo saartay boorar ay ku daabacn yihiin sawirrada labada nin iyo lacagtta, kuwaasi oo lagu qoaray luuqadaha English-ka iyo Soomaaliga – Labada ninba waxa ay ku jiraan liiska FBI-da ee shaqsiyaadka sida aadka ah loo doon doonayo ee aragagixsada..
FBI-da waxa ay tiri in Xamami iyo Mostafa ay labaduba xubin ka yihiin kooxda xiriirka la leh Al-Qacida ee Al-Shabaab, islamarkana ay “Wax badan oo muhim ah ku biiriyeen dhaqdhaqaaqyada dhinaca warbaahinta iyo milatariga ee kooxdaas argagaixisada ah”.
Waaxda Arrimaha Dibedda, waxa ay sheegtay in Labadaba la rumeysan yahay inay joogaan Somalia, ayna ku hadlaan luuqadaha English, Arabic iyo Somali.
Sarkaal sare oo ka tirsan oo FBI-da, ayaa sheegay in labada ninba ay damacsan yihiin inay bartilmaameed ka dhigtaan danaha Mareykanka, islamarkaana la rumeysan yahay inay ku lug lee yihiin qorsheynta weeraro ka dhan ah shaqsiyaad iyo hantida Mareykanka.
Xamami oo 29 jir ah, kana soo jeeda gobolka Alabama, ayaa maxkmad ku taala Alabama ay sanaddii 2009 kusoo oogtay eedeymo la xiriira inuu taageery urur argagxiso, saddex sano kadib markii uu tagay Somalia.
Jihad Mostafa o isna ah 27 jir ama 32 jir ayaa ku dhashay gobolka Wisconsin, waxaana uu dhigtay jaamacad ku taal gobolka California. Waxa uu tagay Somalia 2005-tii, waxaana uu khabiir dhinaca warbaahinta iyo soo xero-geliya dadka jihaad doonka ah u ahaa Al-Shabaab.
Wabixin kale ayaa sheegtay in xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Mareykanka Hillary Clinton, ay ansixisay lacagtan 10-ka Milyan ee dollar ah, ka hor inta aysan iska casilin xilkeedii.

Yemen oo muddo 48-saac u qabatay in maraakiib ay leedahay Somalia looga qaado dekedda Cadan, Sabab?
 Yemen oo muddo 48-saac u qabatay in maraakiib ay leedahay Somalia looga qaado dekedda Cadan, Sabab?
 Dowladda Yemen ayaa maanta oo Arbaca ah, waxa ay amartay in laga saaro dekedda Cadan ee dalkaas maraakiin Soomaaliya ay lee dahay oo halkaas tiilay dhow iyo labaatan sanno.
Amarkan ayaa waxaa bixiyay hey’ad maamusha dekedda Aden, taasoo go’aan ku gaartay in laga saaro maraakiibta muddo 48-saac.
Go’aankan ayaa la sheegay in lagu wargaliyay Qunsulka Soomaaliya u jooga magaalada Cadan Axmed Suudaan kaddib markii uu la kulmay saraakiil ka socda hey’adda maamusha dekedda Aden ee dalka Yemen.
Qunsulka ayaa markii uu kulankaas soo dhammaaday, waxa uu la hadlay warbaahinta, isagoona sheegay in wixii hadda ka dambeeya maraakiibta Soomaaliya ay lee dahay oo taalla dekedda Aden la soo saarayo
Wuxuu mahadceliyay hey’adda gacanta ku heysay muddadaas dheer oo maraakiinta ay ku xinaateen dekedda Aden.
Sidoo kale waxaa iyana saxaafadda la hadlay saraakiil ka socday hey’adda oo sheegay inay tixgalinayaan duruufihii adkaa ay Soomaaliya ku jirtay 21-kii sanno ee la soo dhaafay.
Waxa ay sheegeein in ay ka cabsi qabeen maraakiibtan in ay ku dagaan dekada Adeb taasoo dhibaato galin kartay hawlihii dakeda , waana taas wax yaabaha keenta in dekedda laga saaro muddo 48-saacood.

Sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Cadan, go’aanka dowladda Yemen ayaa ku aaday iyadoo mid ka mid ah maraakiibta taalla dekedda oo lagu magacaabo Cusmaan Geedi Raage uu hoos ka dilaacay isla markaana ay biyo ka soo duseen, taasoo laga cabsi qabo in ay quusiso markabka, waxaana haddii arrintaas ay dhacdo la digi doona seddaxda kale.
Dowladda Soomaaliya arrintan kama hadlin illaa hadda, waxaana looga fadhiyaan qorshe loogu lee yahay siddii loo badbaadin lahaa afartan markab oo ay Soomaaliya lee dahay.

 Wariye Koronto oo dibadda u baxaya
Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa maalinta berri ah magaalada Muqdisho ka ambabaxay wariye Cabdi Casiis Cabdinuur Ibraahim Koronto, oo labo cisho ka hor dib u helay xoriyadiisa kaddib markii uu xirnaa ku dhawaad labo bil.
Wariye Koronto ayaa maanta magaalada Muqdisho loogu sameeyay xaflad sagootin ah, waxaana ka soo qaybgalay xildhibaanno, qareenadii u dooddayay iyo wariyaal badan kuwaasoo la socday tan iyo markii la xiray.
Aggaasimaha Idaacadda Dalsan Xasan Cali Geeseey, ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online in wariyaha uu berri u safraayo waddanka Kenya, halkaasoo ay ku sugayaan hey’addo badan oo u doodda xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta.
Wuxuu kaloo sheegay Geeseey in wariyaha uu kaddib aadi doono caasimada Uganda ee Kampala, halkaasoo ay ku sugayaan hey’addo kaddibana uu ka qaybgali doono shir ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
“Dhawr wadan oo Yurub ku yaalla ayaa lagu casuumay Cabdicasiis Koronto, waxaa ka mid ah magaalooyinka London iyo New York ay ku casuumtay hey’adda Human Rights Watch, laakin ugu horreyn waxa uu aadayaa Sweden, laakin maalmahan wuxuu joogayaa Nairobi iyo Kampala”
Wuu sii hadlay “ C/Casiis Koronto wuxuu helay 7 invatation oo dhamaanood ururro caalami ah yihiin ayuu hetsaaa, Idaacadda uu ka tirsanaa ee Dalsan fursadaas waxbeey kala wadaageysaa” ayuu yiri Xasan Cali Geeseey.
Si kastaba, maanta ayaa magaalada Muqdisho waxa ay saxafiyiinta isla dhex-wadeen wariye C/Casiis Koronto waxaa loo qaadayaa dibedda gaar ahaan waddanka Maraykanka.
Wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa dhawaan maxkamadda sare ee dalka waxa ay dib u siisaay xoriyadiisa kaddib markii lix bil oo xarig ah ay ku xukuntay maxkadda racfaanka gobalka Banaadir, markii lagu eedeeyay in uu wareystay haweeney sheegtay in ay kufsadeen ciidamo ka tirsan dowladda.
Xukunka wariyaha iyo haweeneyda waxaa aad u cambaareeyay beesha caalam iyo hey’addaha u doodda xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta.
Dhulgariir yar oo ka dhacay Boorama
Dhulgariir xooggiisu hooseeyo ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Dhulgariirka ayaa dhacay 2:20 PM, waxaana laga dareemay magaalada iyo hareeraheeda.
Ma jiro wax war ah oo sheegaya khasaare naf ama mid hanti intaba.
Dhulgariirro isdaba joog ah ayaa sanooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Boorama, hase yeeshee ma jirin wax khasaare ah oo uu gaarsiiyay, marka laga reebo guryaha muddada badan dhisan ee magalada oo uu dildillaac ku yimid xilligaasi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...