Wednesday 20 March 2013

Ciidamada AMISOM oo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku xiray Jen. Yuusuf Indha Cadde


Ciidamada AMISOM ayaa goor dhow xabsiga u taxaabay Jen. Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo horay u soo noqday Wasiiru dowlihii Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumadii Cumar Cabdirashiid, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.
Sida ay sheegayaan wararka Jen. Indha Cadde ayaa la xiray, kadib markii uu is hor-taag ku sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo uu doonayay inuu galo.
Qof goob jooge ah ayaa sheegaya in Jen. Indha Cadde oo watay Ilaalo hubeysan ay u diideen garoonka in la galo, lagana baxo, kadib markii uu uu ka caroodayay qaabka loo baarayay dad la socday oo sida la sheegay ka dhoofayay garoonka diyaaradaha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Jen. Indha Cadde markii dambe uu gawaari ku hor-gooyay albaabka garoonka, dabadeedna ku goodiyay in aan la gelin karin lagana bixin karin.
Indha Cadde
Intaas kadib ayaa Ciidamo ka tirsan AMISOM ku hareereeyeen, isla markaana gacmaha ka katiinadeeyay, iyagoo u kaxeeyay dhinaca Xalane oo ah halka saldhiga ugu weyn ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.
Goor dhow ayaa la sheegay in habsami u socodka gelida iyo ka soo bixida garoonka diyaaradaha uu caadi ku soo laabtay, waxaana ammaanka Garoonka diyaarada aad u adkeeyay Ciidamada AMISOM oo gawaaridooda qafilan lagu arkayay banaanka garoonka.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...