Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmai.com
Maarso 25 2013

Qofka caadiga ah marka uu maqlo Dam-jadiid ” Dhiig cusub” waxaa maankiisa u soo deg degaya, koox qabiil iyo heyb wadaag dartii isu kooxeysatay, sida looga bartay dhaqanka siyaasadda soomaaliya, laakin arrintu sidaa ma ahan. Dam-jadiid waa dad fikir wadaag ah, soomaali oo dhanna ka kooban, lehna aqoon diineed iyo mid maaddi ahba.
Soomaaliya, waxaa ka jira nidaam awood qeybsi oo lagu heshiiyay, xukuumadda hadda jirtana waxay ka dhalatay heshiiskaas isaga ah, waxaana wada ognahay in Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxa Maxkamada sare aysan ka tirsaneyn urur gaar ah. Marka waxa la yaab ah in dadka qaar ku geegaaraan Dam-jadiid baa wadankii qabsaday, iyaga oo islamarkaana dadka siinaya sawir khaldan iyo wax aan jirin.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment