Saddex qof ayaa ku
dhimatay, shan kalena way ku dhaawacmeen iska hor-imaad maanta ka dhacay
deegaanka Balli-qurun oo 30 km galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee
xarunta gobolka Mudug.
Isku dhaca oo
dhexmaray dad xoolo dhaqato ah ayaa ka dhashay muran la xiriira lahaanshaha
balliyo iyo waro biyaha laga cabo oo reer guuraaga u dhexeeyo.
Labada dhinac ayaa
la sheegay inuu khilaafkoodu cirka isku shareeray markii dhawaan uu roobka
Gu’ga ka curtay deegaanka uu dagaalku ka dhacay.
Cali Diiriye Alloore
oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa soo jeediyay in la joojiyo
shaqaaqada u dhexeysa xoolo-dhaqatada, wuxuuna maamullada gobolka ka dhisan ka
codsaday in ay gacan ka geystaan in laga hortago dhiig kale inuu daato.
Dagaallada u
dhexeeya dadka reer guuraaga ah ayaa ku soo noq-noqonayay gobolka intii muddo
ahba.
No comments:
Post a Comment