Wednesday 27 March 2013

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulammo Kula Qaatay Baydhabo Saraakiil Ciidan,Xildhibaanno Iyo Odayaal Dhaqameedyo



Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kulammo kala duwan la qaatay saraakiil Ciidammada ah, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo odayaal dhaqameedyada gobolka Baay.
 Kulamadan uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ku kala qaabilay dhinacyadan kala duwan ayaa ka wada dhacay hoteelka ay Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ka degenyihiin magaalada Baydhabo ee Hotel Bakiin ayaa kulankii ugu horeeyey waxa uu Afhayeenka Baarlamaanka ku qaabilay waaberigii saakay Taliyaha ugu sareeya Ciidammada Ethiopia ee ka howlgalaya gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana kulankaasi ay uga wada hadleen sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha looga xoreynayo argigixisada Al-Shabaab deegaannada iyo degmooyinka ay kaga suganyihiin gobolladan iyo in la adkeeyo ammaanka deegaannadii horey looga xoreeyey.
 Kulankii ku xigay waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay Odayaasha dhaqanka gobollada Baay iyo Bakool waxaana bilowgii kulanka uu Gudoomiyaha ka dhageystay Odayaasha Dhaqanka xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolladan iyo baahida ay qabaan dadka ku dhaqan waxaana ay Odayaashii kulanka kasoo qeybgalay ugu hambalyeeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxda sare ee Dowladda Federaalka qaabka ay xiligan u gudanayaan waajibaakooda Qaran ee ay u dhaarteen iyo ka warqabka bulshada ay xilalka u hayaan.
 Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay waxgaradka iyo shacabka ku dhaqan gobollada Baay iyo Bakool sida ay had iyo goor u garab taaganyihiin Dowladooda waxaana uu Gudoomiyaha kula dardaarmay Odayaasha dhaqanka iney si isku duubni ah uga shaqeeyaan danta umadda Soomaaliyeed si Qarannimadeenna aynu u difaacanno.
 Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulan la qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo horey u joogay magaalada Baydhabo waxaana ay Xildhibaannada Gudoomiyaha uga warbixiyeen waxyaabihii uga qabsoomay socdaalkoodii ay ku joogeen gobolka Baay iyo waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay Xildhibaannadu kasoo kala ururiyeen qeybihii bulshada ee ay horey ula kulmeen.
 Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa Xildhibaannada ku ammaanay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira iney ka warqabaan nolosha dhabta ah ee ay ku noolyihiin shacabka ay metelayaan ayadoo talaabadaasina ay qeyb ka tahay qorshe howleedka Baarlamaanka.
 Kulamadan ayaa qeyb ka ah kulammo soo bilowday duhurnimadii shalay aheyd markii ay Gudoomiyaha iyo wafdigiisa yimaadeen magaalada Baydhabo ayadoo talaabadanna ay qeyb ka tahay in Madaxda ugu sareysa dalka ay si dhab ah uga warqabaan nolosha ay ku noolyihiin shacabka Soomaaliyeed waxaana kulamadan ay sidoo kale qeyb ka yihiin qorshaha Dowladda Federaalka ee ku aadan soo celinta Midnimadii Umadda Soomaaliyeed iyo adkeynta jiritaankeenna Qarannim

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...