Wednesday 27 March 2013

XOG: Maxaa keenay in xilka laga qaado Agaasimihii Nabad sugidda?




Shalay waxaa xilkii uu hayay iska casilay agaasimihii hay’adda nabad sugidda qaranka Somalia Axmed Macallin Fiqi, inkasta oo xogta Caasimada Online ay heyso ay taasi ka duwan tahay.
Caasimada Online oo ahayd warbaahintii ugu horeysay ee kashiftay in waayihii Axmed Macallin Fiqi ee hay’adda nabad sugidda uu soo geba geboobayay, ayaa haddana mar kale shaaca ka qaadi karta in Axmed Macallin Fiqi uusan is-caslin ee xilka laga qaaday.
Ilo-Xog ogaal ah, ayaa Caasimada Online u sheegay inay jirtay wareegto uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheikh oo Fiqi xilka looga qaadayay, hase yeeshee markii uu ka war helay uu si deg deg ah ugu dhaqaaqay inuu is-casilo.
Waxaa sidoo kale ilo-wareedyadeena ay lee yihiin in Axmed Macalin Fiqi uu Madaxweynaha ku war geliyay inuu is-casilayo, sidaa darteedna aan xilka qaadista loo gudbin warbaahinta.
Maxaa xilka looga qaaday Axmed Macallin.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Axmed Macalin Fiqi, ayaa waxaa ugu weyn fadeexad dhowaan qabsatay hay’adda, kadib markii meydad badan oo ah dhallinyaro ciidamada nabad sugida ay dileen laga helay waddooyinka Muqdisho.
Taasi waxa ay aad uga careysiisay madaxweyne Xasan, waxaana ay sababtay in cadaadis xoog leh oo deg deg ah uu Dowladda kaga yimaado beesha caalamka iyo hay’daha xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.
Waxaa sidoo kale jiray sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda oo ka shaqeynayay degmada Yaaqshiid, oo la dilay, ayada oo dilkaasna la sheegay inay ka dambeysay hay’adda.
Lama yaqaan sababta loo dilay sarkaalkaas, hase yeeshee waxa ay taasi madaxweynaha u tusmeysay daloolo ku jira hay’dda ugu muhiimsan ee amniga dowladda, waxaana uu xilkii ka qaaday ninkii mas’uulka ahaa nabad sugidda, Axmed Macallin Fiqi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...