Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online, ayaa
tilmaamaysa in halis wayn ay soo food saartey xiligan hay’dda Nabad sugiddda
Qaranka Soomaaliyeed (NSS), taasi oo khal khal iyo dhaawac wayn ku keeneysa
shaqadii ay ui igmanayd ee Amniga iyo nabad sugidda bulshada.
Sirtan oo ay
Caasimada Online ka heshay abad sugidda qaranka oo ay si hoose u bixiyeen qaar
ka mid ah saraakiisha sar sare ee NSS-ta oo ka wal walsan qaabka halista ah ee
ay ku socoto ha’adda iyo laameheeda shaqo, ayaa waxa ay kashifeen xogo halis ah
oo isgu jira Musuq maasuq, laaluush, aqoon la’aan xirfadeed iyo ceebe kale oo ballaaran oo dhinaca musuq
maasuqa ah oo hareeyey hogaanka sare ee hay’adda.
Dhawaan ayaa waxaa
lagu qasbay in ay is casilaan hogaankii hore ee hay’adda, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay
arrimahan oo kale, waxaase yaab iyo amakaag noqotay markii la magacaabay dhowr
qof oo ah kuwii ugu halista badnaa.
Shaqsiyaadka laga
dayrinayo waxaa ka mid ah.
1. Jeneraal C/kariin
Axmed Daahir, Agaasimaha cusub ee KMG ee hay’adda nabad sugidda . Wuxuu ahaan
jirey Kornayl ciidanka Booliska ah, xiligii DKMG ee madaxweyne C/laahi Yuusuf
Axmed, ayaa uu qaatay darajada Jeneraal, waxaana loosoo badalay dhinaca NSS-ta
, isagoo Qeybta baarista u joogey
General Darwiish. Ninkani oo ah nin aad u da’weyn waxaa xog qarsoon ay sheegtay
inuu horey ugu dhaqmi jiray (iibsashada-gadashada) dambiilayal dhab ah iyo dad
aan wax dambiya gelin oo si qaldan suuqa looga soo qabtay labadaba. Waxa kaloo
uu caan ku ahaa dambi u samaynta dad aan wax dambiya lahayn, musumaasuq iyo
laaluush qaadasho.
Waxa jirtay dhowr
dhacdo oo Markii Jeneraal Mohamed Shiekh uu hayey hogaanka Hay’adda, lagu
eedeeyay General Cabdikarim in uu lacag ka qaatay eedeysanayaal, waxaana ugu
dambeysay middii uu shaqadiisa ku wayey oo ahayd, maxaabiis laga warejiyey
Xabsiga nabad sugida oo Cabdi Karim saldhig
u ahayd, oo loo wereejey xabsiga
dhexe oo uu dhex ku iibsadey kadibna siidayey Jeneraalku.
2. Xuseen Macalin
(Damuumaaye) ku xigeenka hay’adda , wuxuu Xuseen horey u joogey Qeybta arrimaha dibadda . Ninkani Wuxuu taxi ku wedi
jiray magaalada London, kadibna waxaa ugu yeeray in uu dowlada meel ka galo
walaalkiis Xasan Macalin, oo markaas Wasiirka madaxtooyada ka ahaa dowladii
Sharif Shiikh Ahmed, waxaana lagu magacaabay xariiriyaha Amisom, iyo
madaxtooyada Madaama uu afka ingiriiska ku hadlayey. Walalkiis Xasan Macalin
ayaa ka dhaadhiciyey in Xuseen wax barasho loogu diro dalka UK, qarashkana
madaxtooyadaa bixisay. 6 bilood kadib ayuu soo noqday asaga oo dhahaya waxaan
soo dhameyey wax barasho u dhiganta Hal sano oo intelligence (sir-doon) ah,
Kadibna Wuxuu noqday madaxa arrimaha dibada ee Hay’adda nabad sugida. Kadib
Markii uu iska casiley booskaas nin lagu magacaabi jirey Cabdi Salaam Guuleed.
Xuseen Macalin Wuxuu
si aan qarsi lahayn u sheegi jiray in uu lasheqeeyo hay’adda (MI6) oo ah dhigga
(CIA) ee UK. Wuxuu mushahar gaaraya $3000 bishii ka qaataa hay’addaas, waxaana
uu aad ugu dhow ula shaqaynayey nabad sugida UK oo dayactir ku sameysay
xaruntii hore ee nabad sugida oo Markii hore uu dhisay Ruushka 1976.
Baaritaano hor u
dhac ah, oo kasoo baxaya dhalliiyaradii meydadkooda laga helay meelo kala duwan
oo magaalado Muqdisho ah, kuwaas oo ku eedeysnaa danbiyo dhinaca ammaanka ah,
ayaa tilmaamaya in Xuseen iyo saraakiil kale oo kale oo ka tirsan hay’adda ay
ku lug yeesheen, arirntaas oo la rumaysan yahay in ay qaab kale oo aargoosi
beeleed ah ku timid.
3. Sheekh
Labaatanka, taliyaha hogaanka arrimaha gudaha ee Hay’adda NSS-ta, waa wadaad ka tirsanaa midoowgii maxkamadaha
mana laha wax aqoon ah oo la xiriira arrimaha nabad sugidda. Lamana oga wax
aqoon kale ah oo uu sidoo kale leeyahay.
4. C/raxmaan
Tuuryare, taliyaha arrimaha dibadda, waxa ay ilma adeer yihiin madaxweyne Xasan
Sheekh. Waxa ka baxay Jaamacadd ku taal Xamar, ka dibna waxbarasho kale ayuu
waqti kooban kusoo qaatay Masar. Tuuryare wuxuu xubin ka ahaa xisbigii PDP ee
madaxweynuhu hogaamin jirey, ma laha wax khibrad iyo aqoon midna oo la xiriira
arrimaha Ammaanka iyo nabad sugidda (Sir-doonka).
Guud ahaan
arrimahaan waxa ay kusoo beegmayaan xilli uu walwal cusub soo food saarey
ammaanka Caasimadda dalka iyo guud ahaan gobollada ay gacanta ku hayso dowladda
Soomaaliya.
Waxaa haddaba la is
weydiinayaa sida xilligan Ammaanka dalka loogu haleyn karo hay’adda nabad
sugidda, iyadoo hogaankeeda ugu sareeya loo dhiibay dadkan qaarna aan aqoonta u lahayn, qaarna ay
ku lug yeesheen eedeymo xagga xuquuqda
bini aadamka ah iyo dil , iyadoo qaarka kalena ay ku caan bexeen musuq
maasuqa iyo laaluush qaadasho oo ay iibsadeen eedeysanayaal badan oo khatar ku
ahaa bulshada.
Waxaa kale oo is
weyndiin mudan qaabka uu madaxweynaha iyo la taliyayaashiisu ay u qaateen
go’aan ceynkaan oo kale ah iyagoo muddo lix bilood ah laga sugayey in wax ka
qabtaan halisaha ammaanka ee dalka ka jira.
Isha
warka Caasimada.com
No comments:
Post a Comment