Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalku ay dhowaan
hirgelin doonto hay’addo gaar u ah ilaalinta xuquuqda aadanaha si ay Soomaaliya
uga qeyb noqoto dalalka ku horeeya dhowrista xuquuqul insaanka
Sanado badan ayaa Soomaaliya
lagu tilmaamayay in ay ka jirto xaalad aadannimo mida ugu liidatay, taasi oo
aysan meelaha qaar cidna dafiri karin, waayo Soomaaliya waxa ay soo martay xili
adag sida abaaro iyo marxalado dagaal oo ay ka dhasheen arrimo Bini’aadannimo,
adduunkuna mararka qaar aad ayeey ugu adkeyd in ficiladaasi caawimaad uu ka
geysto.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la yagleelay
dowladda uu madaxda ka yahay ku hadal qabsada in isbadel ay ku howlgalayaan,
iyadoo ay soo baxayaan muuqaallo guul ku dhisan, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in dowladda Soomaaliya
ay qorsheeneyso dhismaha hey’ado Dastuuri ah oo ka shaqeeya arrimaha xaquuqul
Insaanka.
Si Soomaaliya ay u gaarto
waddo uu caalamka ku xushmeeyo heerka
ilaalinta xuquuquda aadanaha, taasi oo la marsiinayo waddo hufan oo sharciga
waafaqsan.
Hadda aad ayeey u hooseysaa
xaalada aadannimo oo dalka ka jirta marka loo eego sannadihii uu dalka soo
maray, iyadoo gobollada dalka qaar ay
weli ku dambeeyaan dhibaatooyinka ka abuurmay dagaallada, abaaraha iyo xaalad
nololeed.
waana midda keentay in
Soomaaliya ay safka hore ka gasho wadamada lagu calaameeyey in ay ka taagan
yihiin daryeel la’aanta xuquuqda aadanaha.
No comments:
Post a Comment