Wednesday 20 March 2013

Ololihii Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo Meesha Ka saaray Tacadiga iyo Kufsigii Loo geysan Jiray Dumarka Soomaaliyeed



Xilli Dhawaan Laga billaabay Magaalada Muqdisho ololo Ka dhan ah Kufsiga iyo Tacadiga Loo Geysto Dumarka oo si aad ah Beesha Caalamka iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya Bilihii u dambeeyay U Hadal haayeen ayaa Barakacayaasha Ku dhibaateysan Kaamamka Muqdisho waxa ay si Rasmi ah u shaaciyeen in uu isdhimay Kufsigii iyo Tacadigii Ragga Kulabisan Dareeska  Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Hubeysan ay  kala Kici Jireen Haweenka Rayidka iyo Kuwa Danta Yare ee Ku sugan Xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Muqdisho.
 Xerada Barakacayaasha Bad Baado One oo Ku taalla inta U Dhexeysa Xoosh iyo Ex-Kontorol Afgooye oo Wariyaal iyo Camero Manno Ka tirsan Idaacadda iyo Tvga Shabelle Maanta ay Gaareen ayaa waxaa Barakacayaasha ku sugan ay sheegeen in uu isdhimay Kufsigii iyo Tacadigii Loo geysan Jiray Dumarka Kadib Markii Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo Ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Olole ay Hormuud ka tahay oo Lagu wacyi Gelinayo Maleeshiyada Hubeysan ee Dumarka Waxyeeleeya ay Ka bilowday Magaalada Muqdisho.
 Barakacayaasha ayaa Sheegay in ay uga Mahad Celinayaan Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi Horumarka ay Ka sameysay Muqdisho iyo sida ay uga Hortagtay Dhibaatooyinka iyo Tacadigii Loo geysan Jiray Dumarka.
 Barakacayaasha oo Siyaabo kula Duwan ula hadlay Warqabadka iyo Tvga Shabelle ayaa waxa ay ka dalbadeen Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi in ay sii waddo dar dar Gelinta iyo Wacyi Gelinta Maleeshiyada Ku howlan dhibaateynta Dumarka kuwaasi oo si Xowli ah isku Dhimay Maal Mihii u dambeeyay Kadib Olole Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ay Ka bilowday Magaalada Muqdisho oo Meelaha ugu Badan ee Kufsiga Laga Fulinayay Ka mid ahayd.
 Nin Oday ah oo ku sugnaa Xerada Bad Baado ayaa sheegay in Kahor inta aan Ololaha Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi Ka billaabin Muqdisho uu arkay Haween La fara Xumeeyay oo Kow iyo Labo aanu ahayn Laakiin waxa uu tilmaamay in Ololaha Markii uu bilowday si Xowli ah ay usii Yaraadeen Maleeshiyadii Hubeysneed oo qaarkood Xirraa dharka Ciidanka Dowladda oo Kufsiga Geysan Jiray
 Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi  oo ah Marwada uu qabo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan Ka qayb Galeysay Munaasabad Looga hadalayay Tacadiga iyo Kufsiga  Loo Geysto Haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Marnaba aanu aqbali doonin Kufsi iyo Tacadi ka dhan ah Haweenka Soomaaliyeed

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...