Iyada oo
xildhibaanadu ay bilaabeen shaqada ah dib u fiirinta dastuur gobaleedka
Soomaaliya, ayaa waxay u baahan yihiin in ay ka taxadaraan samaynta nidaamyo la
raaco oo la xidhiidha abuurka goballo fedraal ah, falanqeeyayaasha ayaa sidaas
leh.
Dib u eegiddan oo
bilaabatay Maarso 9-keedii, ayaa qaybta ay dadka ay arrintan khusayso aadka
indhaha ugu hayaan ay tahay Qodabka 49-aad, kaas oo ka hadlaya tirada iyo
xuduudaha goballada federaalka ah.
“Federaalnimadu waa
wax ku cusub Soomaaliya, haddii qaabka loo samaynayo goballada federaalka ah ee
billowga ah uusan noqonin mid haboon, khayraadkana aan si cadaalad ah loo
qaybinin, tani waxay sababi kartaa khilaaf cusub oo waddanka ka dhaca,” Axmed
Aadan oo falanqeeye dhinaca siyaasada ah deggana Muqdisho ayaa sidaas yidhi.
Samaynta
Federaalnimada Soomaliya waxay noqon doontaa mid dhibkeeda leh oo madaxdu ay
tahay in ay la yimaadaan xikmad, xeeldheernimo iyo sabar, ayuu yidhi.
Sida ku qoran
dastuurkii ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya bishii Agoosto, ayaa labo aag
ama ka badan ay ku midoobi karaan inay sameeystaan gobal leh matalaada dawlada
federaalka.
Laakiin,
xildhibaanada ayay tahay in ay go’aamiyaan inta gobal ama aag ee maamul ee uu
oggolaan karo nidaamka cusub ee federaalka, maadaama uusan dastuurka hadda
arrintaas caddayn. Xildhibaanada ayaa sidoo kale qeexaya sidii khayraadka loogu
qaybin lahaa goballada mustaqbalka ee Soomaaliya.
“Hadii aan fiirino
qaar ka mid ah goballada waddanka ka jira, waxaan arkaynaa in lagu sameeyay
aasaas qabiil,” Jaamac Maxamed, oo horay u ahaan jiran macallin qaanuunka ka
dhiga Jaamacadda Qaranka ee Soomaaliya ayaa sidaas yidhi.
Wuxuu sheegay in
xildhibaanada ay waajib tahay in ay noqdaan kuwo xaqa ilaalinaya aysana u
ogolaanin kuwa qabiilaystayaasha ah in ay saamayn ku yeeshaan.
“Haddii gobollada
federaalka ah ee la samaynayo lagu dhiso hab qabiil, tani waddanka ayay kala
jajabinaysaa xaaladana way sii xumaynaysaa, sababta oo ah waxay hurinaysaa
tartanka qabaaisha, taas oo laga yaabo in ay sii dheerayso khilaafka
Soomaaliya,” ayuu yiri.
‘Habka ugu haboon ee
dawladnimo’
Baarlamaanka ayaa
sida oo kale loo xilsaaray in ay sameeyaan sharciyo qaabaynaya xidhiidhka ka
dhexeeya dawladda dhexe iyo gobollada.
Xildhibaan Maxamed
Cumar wuxuu fadilaya nidaamka federaalka, isaga oo intaas ku daray in uu
nidaamku awood siinayo gobollada, siinayana matalaad dhinaca siyaasada ah una
oggolaanaya in ay khayraadka wadaagaan. Dastuurka cusub ayaa damaana qaadaya in
muwaadiniinta Soomaalidu ay si xor ah isaga gooshi karaan gobollada waddanka oo
dhan, ayuu yidhi.
“Waxaa jira Soomaali
badan oo ka shakisan tayada nidaamka federaalka ee waddanka, iyada oo qaar
kalena ay ku andacoonayaan in si aan wanaagsanayn ay u saamaynayso midnimada
waddanka,” ayuu yiri. “Waa muhiim in arrintaas la ogaado, laakiin, tani waa
qaabka ugu haboon ee dawlad loo dhisi karo wakhtigan hadda la joogo si dib
loogu hanto kalsoonidii qaranka Soomaaliya ee dhuntay.”
“Nidaamka federaalka
ah ayaa xoojinaya midnimada, daganaanshaha iyo hodantinimada waddanka, una
damaana qaadaya shacabka sinnaan iyo ka qayb gal siyaasadeed wakhtigan
xasaasiga ah ee hadda la joogo oo ay Soomaalida dhibaato ka haysato in ay ka
gudbaan kalsooni la’aanta ka jirta qabaailka qaarkood illaa iyo markii ay
dhacday dawladdii dhexe ,” ayuu yidhi.
Imtixaan haysta
dawladda cusub
Horaantii bishan,
ayaa dawladda waxaa hortimid imtixaan la xidhiidha dawlad goboleedka
Jubbalandmarkii Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu ku eedeeyay madaxda
maxalliga ah in ay doonayaan in ay sameeyaan dawlad goboleed iyaga oo aan si
habsami ah kaga qayb galinin dawladda federaalka ah.
“Arrintan dhinaca
kaliya ah, ee lagu dhaqaaqay iyada oo aan dawladda federaalka ah lala tashan,
ayaa ku xad gudbaysa dastuurka waxayna caqabad ku tahay nabad u socodka
horumarka siyaasada,” ayuu yidhi. “Uma daneeyneyso maslaxadda dadka maxalliga
ah ee aaga deggan iyo dawladda cusub ee Soomaaliya midna.”
Si kastaba ha
ahaatee, hadalkii xaflada furitaanka ee shirka uu ka jeediyay, ayuu Sheekh
Axmad Maxamed Islaam, oo madax u ah maamulka ku meel gaadhka ah ee Jubba Land,
hoggaamiyana u ah kooxda Ras Kamboni, ka codsaday dawladda Soomaaliya in ay u
soo dirto wakiilo shirka gobolka lagu dhisayo.
Hay’adda Heritage ee
Daraasaadka Siyaasadda (HIPS) ee Muqdisho xarunteedu tahay, oo soo saartay
warbixin Maarso 18-keeda iyaga oo dib u fiirinaya 100-kii maalmood ee dawladda
Soomaaliya ugu horreeyay, ayaa ku dooday in qaabka ay dawladdu u gashay arrinta
Jubba Land ay ahayd mid aan faaiido keenin.
“Ugu horrayn,
arrintu ma aha, sida hadda la sheegayo, arrin sahlan oo dhibaato xagga
dastuurka ah — ee waa arrin wayn oo dhinaca siyaasadda ah oo u baahan xal
siyaasadeed,” warbixinta ayaa sidaas sheegtay. “Tan labaad, guud ahaan
hadallada dawladda ayaa ahaa kuwo aan xalka ka qayb qaadanin, marmarka qaarna
ahaa, kuwo macno badan aan ku fadhiyin. Tani ma aha mid qaab u socdka dib u
heshiisiinta wax ka taraysa, taas oo aan wali fari ka qodnayn.”
HIPS ayaa ku talisay
in dawladdu ay samayso xal ku meel gaadh ah oo ah mid “labada dhinacba guul u
ah” oo lala galayo Jubba Land dadka ay arintoodu ka go’do, iyo in muddo laba
sano ah lagu sameeyo doorashooyin xor ah caddaaladna ah oo shacabku ku
dooranayo guddoomiyayaal degmo, guddomiyayaal gobol iyo maamulayaal gobol.
Webka All-somali.com
No comments:
Post a Comment