
Gudoomiyaha deegaanka Giriley Hilowle Max’ed oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in deegaanka Giriley oo ku yaala soodinta kala qaybisa wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay xiligan ka taagan tahay biyo la’aan baahsan wuxuuna sheegay in deegaanka uusan ku oolin wax ceel ah oo ay ka cabbaan dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in deegaanka ay biyaha keeni jireen Booyado kasoo dhaamiya Biyaha gudaha dalka Kenya kuwaas oo uu tilmaamay in maalmihii danbe aysan wax biyo ah aysan keenin gudaha deegaankaas taasine ay keentay in qaar ka mid ah shacabkii ku noolaa deegaankaas ay harraad u dhintaan.
Hilowle Max’ed gudoomiyaha deegaanka ayaa baaq u diray dowlada Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah wuxuuna ka codsaday in si deg deg ah gar gaar biyo dhaamin ah loola gaaro shacabka dhibaatada biya la’aan la ildaran ee ku dhaqan deegaanka Giriley ee gobolka Gedo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment