Tuesday, 5 March 2013

Cambaarayn maamulka Puntland- Qurbajoogga Beesha Geri ee Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka



Warsaxaafadeed
March 05, 2013
_____________
Qurbajoogta beesha Geri ee Yurub iyo waqooyiga Maraykanku waxa ay halkan marka hore cambaareyn xooggan uga soo jeedinaysaa wax magaratadii gaysatay falkii foosha xumaa ee dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamkaba ka soo horjeeday ee Gabadha yar ee Faadumo Bile macalin Nuur ku kufsatay magaalada Garoowe, bishii Febraayo 17keeda iyaga oo ka afduubay xaflad aroos, ka dibna inta gaadhi ku qaateen ku kufsday meel ka baxsan magaalada Garowe bartiina ay kaga soo tageen.
 
Mar labaad waxaan halkan ka cambaaraynaa maamulka Puntland oo raggaas kufsiga ku kacay ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan haseyeeshee xorriyadoodii u soo celiyay iyadoo aan sharciga la horkeenin. Arritaasi waxay sumcad xumo weyn u soo jiidaysaa maamulka Puntland, islamarkaana waxay caddaynaysaa in kufsigu aanu dambi ka ahayn Puntland siiba marka ay geystaan dad awood ku leh maamulku.

Gabadhaasii yar oo ay da'deedu tahay 16 budhcada afduubtay islamarkaana faraxumaysay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:
1- Axmed Cabdi Xirsi oo uu dhalay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirs (Qarjab),
2- Maxamed Cali Hayaan oo uu dhalay Cali Hayaan oo hore u ahaan jiray agaasimaha laanta ammaanka Punland iyo
3- Cabdixakiim Nuur Maxamed Garaase oo uu adeer u yahay Suldaan Garaase, suladaanka Ciise Maxamuud.
Waxay qurbjoogta beesha Geri ka codsanaysaa in dambiilayaashi caddaaladda la korneeno.

Waxaanu halkan ka caddaynaynaa in arrinta gabadhaas aan u gudbinay hay'adaha xuquuqul insaanka ee caaalamka oo aanay noqonayn mid sidaas ku dhammaata.
 
Haddaba Qurbajoogta beesha Geri waxa ay ka rajaynaysaa hay'adaha sharciga Puntland in si caddaaladi ku jirto oo islamarkaana waafaqsan shareecada Islaamka la mariyo eedaysanyaashaas. Taasi oo u noqon doonta cashar dadka falalka waxashnimada ee kufsiga kula kacda gabdhaha iyo guud ahaanba dumarka Soomaaliyeed oo waayadan dambe aad u kordhay.
Ugu dambeystii waxaanu rajaynaynaa in maamulka Puntland uu arrintan si sharciga waafaqsan wax uga qaban doono.
Mahadsanidin
Xasan Carab Askar
Afhyeenka Qurbajoogta Beesha Geri
Email: askar153@hotmail.com
Co

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...