Tuesday, 5 March 2013

Madaxda Sare ee Soomaaliya Iyagoo Iskhilaafsan Ayey Heshiis Yihiin W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud


Madaxda Sare ee Soomaaliya Iyagoo Iskhilaafsan Ayey Heshiis Yihiin
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
saciidciise258@aol.com
Maarso 06 2013
Saddexda mudane ee ugu sareya Soomaaliya waxey ku heshiiyeen in iyagoo isqilaafsan ay muujiyaan iney heshiis yihiin. Waxaa la qiray in khilaafka ku saleysan fikirka uu yahay mid caafimaadqaba, balse u liidasho ka turjumayo khilaafka salka ku haya dareenka shaqsiga. Madaxda sare ee dowlad kasta waxaa ka hor yimaada ismaandhaaf salka ku haya aragtiyo isweydaarsan oo loo marayo horumarinta shacabka ay madaxdaas xukumayaan. Waa xaq in laamaha kala duwan ee dowladu oo midkasta ay dhankeeda ka heyso awooda dowlada iney ku kala aragti duwanaadaan sidii waajibaadkooda sharciga waafaqsan ay u fulin lahayeen.
Waa dhaqan caana in qeyb walba culaabta saaran awgeed iney dalbato miisaaniyad dheeriya ama si ay u fududeyso waxqabadkeeda in xeerka ay u adeegsato si u daneynaya fulinta howshooda. Howsha qabashadeeda loo kala marayo marrinyo kala duwan waa fulinta danta iyo maslaxada guud ee shacabka Soomaaliyeed. Madaxda sare ee Soomaaliya waxey fahmeen in shacabka Soomaaliyeed uu ka sugayo waxqabad muuqda wakhtigan adag ee shacabku geediga u yahay dowladnimo ka duwan tii kmg-ka. Waa hubaal markaas iney isku tixgeliyaan kala duwanaashaha fikirkooda, hasayeeshe ay heshiis ku noqdaan iyagoo kala maan duwan iney isku xaq dhowraan adeega ay u hayaan danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa aniga si gaara ii soo jiitey dadaalka ku saleysan garaadka miisaaman ee uu mudane Saacid ku hogaaminayo dowlada Soomaaliyeed. Waxaana si dhaqsiyo badan isu soo taraya sumcada ay bulshada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed u hayaan hogaamiyahaas, isago howlqabadkiisa ku mutay qadarin si weyn loo dareemi karo. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya isaga ayaa iska leh wixii eeda oo ku yimaada dowlada uu hogaanka u hayo. Si uusan u xumaan hogaankiisu wuxuu awood u leeyahay inuu u madaxbanaanaado fulinta maamulka dowlada. Ma jirto cid aqbaleysa in qoyskiisa dhextaal lagu noqdo, haddana dhibaatada isaga dusha laga saaro. Shacabku wuxuu u baahan yahay ra’isulwasaare qaata go’aankiisa, talada loo doortayna ku hogaamiya dowlada. Ma ahan talo-qaadashadu iney dhib la’aan tahay laakiin waa tilaabo lagama maarmaan u ah kalsooni buuxda inaad hogaanka ku qabatid. Haddii uu masuulku isku taago jidka quman waxaan shaki lahayn in shacabku uu u hiilinayo, taageero buuxdana uu ku garab istaagayo.
Waxaa muuqata hadda in Saacid looga kala tegey waxqabadka laga sugayey madaxda dowlada. Iyadoon sannad la gaarin ayaa durbadiiba waxaa bilaabatay olole u muuqda mid la doonayo in lagu adkeysto afar sanno kadib in dib la isugu soo sharaxo. Waxaa dhaqan u ah madaxda in marka hore labada sanno oo xilkooda u horeeya iney wadanka u adeegaan oo wax u qabtaan, sannadka ugu dambeeya xilkoodana ay xoogga saaraan damacooda siyaasadeed iyo dib isku soo sharaxidooda.
Waxey madaxda qaar durbaba bilaabeen iney wadamada deriska u baqoolaan si ay kalsooni uga raadsadaan, mustaqbalkana ay isugu muujiyaan kuwo lagu kalsoonaan karo iskaashigooda. Sidoo kale madaxda qaar waxey bilaabeen iney taageero dhaqaale iyo saaxiibtinimo dhow ay ka raadiyaan wadamada Bariga Dhexe si guddaha ay uga abuurtaan taagerayaal cusub, kuwaas oo lagu kasbanayo iskudhafka naas-nuujin iyo fikir-wadaag. Mudane Saacid wuxuu weli si xilkasnimo leh u gudanayaa waxqabadka ay shacabku ka sugayaan dowlada

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...