Wednesday 27 March 2013

Kismaayo oo manta Bandow ah



Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa magaaladaas ku soo rogay bandow dhaqangalaya berri oo Talaado ah.
Taliyaha ciidamada amniga Kismaayo Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in laga billaabo 6:00 aroornimo ilaa 12:00 duhurnimo ay magaalada bandow tahay.
Wuxuu sheegay in sababta bandowga ay tahay in laga hortago in ay dhacaan falal nabadgelyo-darro oo la sugo ammaanka wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo raysul wasaare Cabduqaadir Faarax Shirdoon oo la filayo in ay berri Kismaayo gaaraan.
 Maxamuud Qaalib ayaa ku boorriyay shacabka in ay guryahooda ku ekaadaan muddada uu bandowgu shaqeynayo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...