Monday 25 March 2013

Gen. Maalin: Waxaan qabanay raggii dilay gabar u shaqeeneysay Turkiga



Taliska Ciidanka Booliska G/Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Rag la rumaysan yahay in ay ka dambeeyeen dil shalay degmada Dharkeenley loogu gaystay  gabar la shaqaynaysay mid ka mid ah hay’adaha Turkiga.
General Axmed Xasan Maalin Taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ayaa Radio Muqedisho u sheegay in ciidamada Booliisku ay gacanta ku soo dhigeen kooxo ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab oo shalay degmada Dharkeynley ku dilay gabar la shaqeyneysay hey’ad Turki ah.
‘’Gabar la shaqeeyneysay hey’ad Turki ah ayaa shalay lagu dilay degmada Dharkeynley,  waxaana usoo qabanay Afar ka mid ah maleeshiyaadka Shabaab kuwaas oo bistoolado ku hubeysnaa islamarkaana watay sawirada gabadha ay dileen’’ Sidaasi waxaa yiri General Axmed Xasan Maalin.
Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Gen Maalin ayaa sheegay in ragaasi la qabtay iyagoo ordaya kadib markii ay gabadha dileen, isagoo xusay in hada ay ciidamadu baaritaano ku hayaan ragaasi, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu booliisku ay wadaan howlgalo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amaanka caasimada Muqdisho.
Sarkaal Ka Tirsan Shabakada Al-Qaacida oo Diyaarad La Socday oo Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho
Muqdisho (RBC) Ciidamada AMISOM iyo kuwa sirdoonka Soomaaliya ee ku sugan garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa shalay si kedis ah ku qabtay sarkaal ka tirsan Shabakada Al-Qaacida kaasoo diyaarad rakaab oo Muqdisho ku soo socotay isku soo dhex qariyey.
Ila wareed dhanka sirdoonka dawlada Soomaaliya ayaa Raxanreeb Online u xaqiijiyey in sarkaalkan oo dhalashadiisu tahay Soomaali, isla markaana aan la magacaabin uu asal ahaan ka yimid dibadda gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub oo uu isaga kala gooshay si dhuumaaleysi ah, ka dibna uu u soo gudbay Muqdisho oo uu rabay inuu soo galo.  Ka hor safarkiisa Yurub ayaa la sheegayaa in ninkan uu tagay Afghanistaan iyo wadamo Carbeed.
Ninkan oo weli lagu hayo xabsi ku yaalla garoonka ayaa illaa hadda waxaa su’aalo weydiinaya saraakiisha sirdoonka dawlada Soomaaliya, Amisom iyo xubno CIA-da Mareykanka ka tirsan oo isla shalay soo gaaray Muqdisho.
Il wareedka u waramay Raxanreeb Online waxay sheegayaan in ninkan markii la qabanayey uu isu soo ekeysiiyey muuqaal ka duwan kiisii hore, isagoo garka soo xiirtay kuna soo lebistay surweel iyo shaati.  Laakiin sawiro ay heleen saraakiisha sirdoonka dawlada Soomaaliya oo la rumeysan yahay in CIA-da Mareykanka ay keeneen ayaa muujinaya ninka la qabtay oo leh gar weyn.
Ugu yaraan xubnaha CIA-da ayaa la socday dhaqdhaqaaqa ninkan illaa uu aakhirkii ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah meesha lagu xiray, sida il wareedku sheegayo.
Saraakiisha amaanka dawlada iyo kuwa Amisom ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan qabashada ninkan iyo waxa uu asal ahaan Al-Qaacida u qaban jiray iyo sababta uu ugu socday Soomaaliya.
Dhinaca kale Raxanreeb Online ayaa ogaatay in ganacsato maalqabeeno ah oo caan ka ah Muqdisho ayna isku heyb yihiin ninka la qabtay ayaa illaa shalay waday dadaalo ay ku doonayeen in ninka la xiray ay ku soo furtaan laakiin dadaaladaasi ma hirgalin illaa hadda, waxayna taasi cuslaatay markii baaritaanadii lagu hayey ninka la xiray ay ku soo biireen saraakiisha CIA-da Mareykanka.



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...