Saturday 9 March 2013

Taliska Nabad Sugida oo Sheegay iney Gacanta kusoo dhigeen Gacan ku Dhiiglihii dilay Gudoomiyihii Ganacsatada Bakaaraha




Muqdisho(RBC Radio) Hay’ada nabad sugida dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney gacanta kusoo dhigtay ruux ay ku sheegeen inuu yahay gacan ku dhiiglihii dilay gudiga ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho taliyaha hay’ada nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo kulan la qaatay ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay iney hayaan gacan ku dhiiglihii sida bareerka ah u toogtay gudoomiyihii ganacsatada Bakaaraha.
Taliyaha ayaa sheegay in hay’ada nabad sugida ay ku guuleysatay iney gacanta kusoo dhigaan ninkii ka danbeeyey dilka Marxuum Axmed Nuure Owdiine oo ahaa gudoomiyihii ganacsatada suuqa weyn ee Bakaarah wuxuuna hoosta ka xariiqay in sharciga lala tiigsan doono.
Khaliif Axmed Ereg taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir ayaa dhanka kale ka codsaday ganacsatada Soomaaliyeed iney wada shaqayn dhab ah la yeeshaan ciidamada amaanka dowlada Soomaaaliya isla markaane ay si wada jir ah iskaga kaashadaan wax walba oo dhib ku haya ganacsiga suuqa Bakaaraha.
Ganacsatada ayaa taliyaha Nabad sugida gobolka Banaadir hor dhigay cabashooyin dhowr ah iyo dhibaatooyin ay sheegeen in qaar ka mid ah ciidamada dowlada ay ka geystaan gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, Ereg ayaa tibaaxay in waxyaabaha ay ganacsatadu ka cabanayaan ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

2 comments:

Anonymous said...

I do trust all of the ideas you've presented on your post. They're really convincing and will certainly work.
Still, the posts are too brief for newbies. Could you
please lengthen them a bit from subsequent time? Thank you for
the post.

Here is my web page - acheter des vues sur youtube
Also see my website > Augmenter ses Vue Youtube

Anonymous said...

Excellent way оf ехplaіning,
аnԁ good post tο takе data concernіng my pгesentation topic, which i аm goіng to delivеr in
ѕchοοl.

Hеre is my web-site :: http://www.prweb.com/

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...