Monday, 1 April 2013

Ergooyinka maamul usameynta Jubbaland oo maanta la horgeeyay Dastuurka KMG ah ee uu yeelanayo maamulkasi (Sawirro)




Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Kismaayo [RBC Radio] Waxaa maantay oo Isniin ah maalintisi labaad ay utahay wajigii labaad ee shirka dhismaha maamulka Jubbo-land ee ka socda magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubbada Hoose kaasi oo xiligan galay marxalad waji fican dhalisay maadama xiligaan shirku waajigisa labad uu ku socdo si wanagsan.
Sidii horay loo shaaciyay ayaa waxaa maantay la horkenay  ergooyinka ka qeyb galaya shirka dhismaha maamulka Jubbo-land  Dastuurka KMG ah ee uu yeelan doono maamulka Jubbo-land oo qor shihiisa dhismo xiligaan ay ka socoto Kismaayo waxan uu noqon doona maamulkan mid ay ku mideeysan yihiin gobalada  Jubbooyinka iyo Gedo,sidoo kale goobta lugu soo bandhigay Dastuurka KMG ah ee uu yeelan doono maamulka Jubbo-land ayaa waxaa ku sugna marka laga soo tago ergooyinka ka qeyb galaya marti shaaraf lugu casumay kuwaasi oo kala ahaa  Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Ras’iisul wasaarihii hore ee Dowladdii KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Siyaasiyin kala duwan, ganacsatada ku abtirsata deegaanada Jubbooyinka iyo Ged  iyo korjoogto ka kala socotay wadamada caalamka kuwaasi oo shirka qeyb galay.

Ka hor intaa an la horgeen Ergooyinka Dastuurka ayaa waxaa madashaaa shirka ee xarunta Jaamacada Kismaayo   hadalo furitaan ah madasha kasoo jeediyay qar ka mid ah masuuliyinti kasoo qayb gashay waxana hadalka hor qatay Guddomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dhismaha maamulka Jubbo-land Macallin Maxamed Ibraahin waxana uu hadalkiisa ku soo qaday in xiligaan la garay xiligii laga miro dhalin laha qorsho muddo socaday kasoo lugu damacsanaa in lugu dhiso maamulka Jubbaland.
Siyaasiyinti kasoo qayb gashay shirka oo iyaguna hadalo jeediayay ayaa waxaa isna ka hadlay shirka R/wasaarihi hore ee dowladdi KMG ahed  Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxana hadalkisaan oo u badna dhirigalin iyo hambalyo uu sheegay inuu ugu horeen ku farax san yahay kasoo qayb galida shiraka isla markana waxaa uu si cadd ugu sheegay dadka kasoo jeeda deegaanada Jubbo-land inay uu istaagan sidii ay uu dhisi lahaayen maamulaka Jubbo-land.

“Waxaan marka hore farxad ii ah in an ka qayb galo shirkaan maadama an markii hore an ahaa mid qorshahaan maamulka Jubbo-land  xogtiisa  waxbaan ka ogaa, haddanah waxan ahay mid goob joog uu ah dhameystirkiisa taasana waxay itahay mid an ku farax sanahay, aad ayaan idinku taageersanahay inaad isku tashataan  oo dadkiina  deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo ad noqotan kuwo dhista maamul ugooni ah kaaso ku yimaada hishiis ad wada garten”ayuu hadalkisa ku soo qaday R/wasaarihi hore ee dowladdi KMG ahed  Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Hadalo ka dib waxaa qaban qabiyaasha shirku ay guda galeen in Dastuurka uu yeelan doono Maamulka la soo dhisi doono ee Jubbo-land loo qeybiyo guud ahaanba ergooyinka ka qeyb qaadanaya shirka si ay uga dooddaan qodobada dastuurka maamulka Jubbo-land.
Dastuurkana uu yeelanayo maamulka Jubbo-land oo ay hadda bilaaamatay tala bixintiisa ayaa ah mid ka kooban illaa 50 qodob.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...