Monday, 1 April 2013

Abuukato Ilkaxanaf oo Hadalo u Muuqday Ka Warheyn La’aan Ka Jeediyey Shirkii Dib u Habeynta Garsoorka & Madaxweynaha oo Ka Jawaabay (Warbixin + Dhageysi)




Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo gudoomiyaha maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf oo ka hadlay furitaankii shirka dib u habeynta garsoorka.
Muqdisho (RBC) Shirkii dib u habeynta dastuurka ee maanta ka furmay hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa khudbado ka jeediyey masuuliyiinta dawlada oo ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf.
Hase yeeshee khudbadihii shirka laga jeediyey oo looga hadlayey baahida loo qabo isbedel dhab ah oo lagu sameeyo garsoorka dalka ayaa haddana dhanka kale waxaa ka soo dhex baxay hadalo u muuqday isu jawaabid, sida ka muuqata khudbadihii ay jeediyeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha maxkamadda sare.
Shirka oo qaadan doona muddo shan maalmood ah ayaa ujeedada ugu weyn ee loo qabtay ay tahay in aqoonyahanada dhanka sharciga iyo wakiilada bulshada rayidka ee dal iyo dibadba isaga yimiday ka tala bixiyaan qaabka cusub ee loo dhisayo garsoorka dalka oo musuqmaasuq, eex, daryeel la’aan iyo dhibaatooyin badan ay heystaan.
Khudbadii Ilkaxanaf
Guddoomiyaha maxkamadda sare Caydiid C/laahi Ilkaxanaf oo hadal ka jeediyey shirkan socon doona shanta maalmood ayaa ku dooday in dhibaatada Soomaaliya aysan ahayn garsoorka kaliya ee ay tahay “cadaalad darro guud” oo sida uu sheegay ku habsatay bulshada Soomaaliyeed.
Illaxanaf wuxuu tusaale u soo qaatay habka shaqaaleysiinta hay’adaha dawlada, mushaharka, dalacsiinta iyo abaalmarinta saraakiisha sare ee dawladeed markii dhamaan arrimahaasi la waayey inay xudun u noqdeen burburka qaranimada dalka.
“Shaqaalaha dawlada mushahar muu qaataa, madaxda sidee loo dalacsiiyaa, lacagta sideebaa loo qaataa oo loo bixiyaa,. marka maanta kama hadli karno ayaan u maleynayaa , shirkani qabashadiisa, ujeedadiisu waxa weeyaan u maleynayaa “waa garsoorka”, garsoorka sidii loo nidaamin lahaa oo loo hagaajin lahaa ee wax loogu tari lahaa.” ayuu yiri Ilkaxanaf.
Wuxuu sii raaciyey;  “Garsoor waa jiraa, sidii loo kaabi lahaa ee loo hagaajin lahaa weeyaan baan u maleynayaa ujeedada iyo barnaamijka cidii sameysay baa og!.” ayuu sii raaciyey.
Madaxweynaha oo ka jawaabay
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu dambeyntii ka hadlay kulanka ayaa jeediyey khudbad u muuqatay inuu jawaab ahaan u siiyey gudoomiyaha maxkamada sare, isagoo tilmaamay inay jirto dhibaato ka jirta garsoorka oo bulshada Soomaaliyeed aysan maanta kalsooni ku qabin hay’adaha garsoorka ayna noqdeen meel laga kala cararo.
“Gudoomiyaha waa runtiis, caddaalada waa ballaaran tahay, waa dhinacyo badan tahay, meel walbay gashaa laakiin hadane markii wof cadaalad darro uu tirsadaa meesha uu fiirinayo oo isleeyahay armay caddaaladu kaa jirtaa waa GARSOORKA.” ayuu yiri madaxweynaha oo dadkii dhageysanayey ay u sacabtumeen.
Ujeedada shirka
Madaxweynaha wuxuu sheegay in ujeedada shirkan ay tahay in la turxaan bixiyo nidaamka garsoorka isla markaana la helo hay’ado garsoor oo dadku ku kalsoonaan karaan, isagoo sheegay in waxa meel kata salka u noqon kara ay yihiin caddaalaad iyo eex la’aan oo lagu dhaqmo.
“Waxaan rabnaa inta qofka qareen qabsado oo dacwoodo maxkamadaha tago oo yiraahdo caddaalad darradaan ayaa la igu sameeyay oo uusan qori qaadanin.” ayuu sii raaciyey.
Mar uu madaxweynuhu soo qaaday dhulalka iyo guryaha la kala heysto Soomaalida dhexdeeda ayuu sheegay inaansy nabad iyo amni buuxa la gaari doonin inta qof Soomaaliyeed hantidiisa uu heysto qof kale oo Soomaali ah.
“Inta qof Soomaali ah oo muwaadin ah uu arkaayo wixii uu lahaa, hantidiisii oo muwaadin kale oo Soomaaliyeed uu ka heysto, oo raali ahaanshihiisana uusan ku heysan deganaanshaha aan ka hadleyno ma heleyno.” ayuu sheegay madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii soo hadalqaaday dadka dhistay iyo kuwa degay goobaha dawlada mudada dheerna ku noolaa kuwaasoo uu sheegay inaan loo deyn doonin oo dawlada ay hantideeda ka qaadan doonto.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...