Madaxweynaha
Soomaaliya oo ka hadlay hantida lakala heesto
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,
ayaa sheegay in cid kasta oo heesata dhul aysan lahayn, wixii hadda kaddib loo
baahan yahay in ay soo wareejiso.
Wuxuu kaloo sheegay
in dhulkii ay dowladdu lahayd wixii ka horreeyay 1991-dii ay weli yihiin dhul
ay dowladdu leedahay, isagoo sheegay in markii ay dowladdu u baahato aysan
cidna loo cafin doonin.
Madaxweyne Xasan
Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayay shirka dib u habaynta hey’adda
garsoorka oo shaley ka furay Hotel Jazeera oo ku dhow garoonka diyaaradah
Muqdisho.
“Inta muwaadin
Soomaaliyeed hantidiisa la haysto, gurigiisa la haysto, beertiis la heysto,
Soomaaliya ma dageyso, waa in laga shaqeeyaa sidii la isugu celin lahaa hantidaas
la kala heysto,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa ku
baaqay in hantida la kala qaatay la isku celiyo oo qof walba uu helo wixii uu
xaqa u lahaa ee uu haystay sharciga, wuxuuna ku daray inaas in wixii ka
dambeeyay 26-kii Janaayo 1991-dii dhulkii dowladdua ay lahayd uu yahay dhul
dowladeed oo dowladdu markii ay doonto ay dib ula soo laabanayso.
“Dhulkii dowladdu
lahayd wixii ka horreeyay 1991-kii dowladda ayaa iska leh, qofka haysta ee ka
dhigtay guriga, goobta shaqo ama garaashka waxaan leennahay hadda iska hayso,
balse haddii ay dowladdu u baahato wa lagaa qaadayaa oo laguuma dhaafayo,” ayuu
madaxweynuhu mar kale sheegay.
Ugu dambeyn,
madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’anatahy
siddii nidaamka sharciga looga hirgalin lahaa dalka Soomaaliya, isla markaana
dadka la bari lahaa.
Wasiirka
arimaha Gudaha oo looga yeeray Barlamaanka
Baarlamanka
Soomaaliya ayaa kulan ay maantay ku yesheen xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa waxa ay kaga
doodeen arimo la xiriira Dilal ka dhacay magaladda Muqdisho intii ay fasaxa
kukala maqnaayeen sidookalana waxa ay Dalbadeen in la horkeno Wasaradda arimaha
gudaha si ay Su’alo uga waydiiyaan kiisasakas cida ka danbeesa.
Kulanka xilibaanada
dowlda somaaliya ayaa waxaa maanta shir gudoominayey gudoomiya kuxigeenka
baarlamaanka jeylaani nuur iikar ayadoo dhamaan xilibaanadu ay soo buuxsheen
kooramka ama tiradii looga baahnaa waxaana madasha kulamka xaadir ku ahaa ilaa
iyo 162-xilibaan waxaa ayna si wada jira isu raaceeen in dialalka kadhaca
muqdisho ay yihiin kuwa sharci dara ah una baahanyhiin in wax laga qabto.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen
in dadka la dilay ay ahaayeen maxaabiis kujiratay xabsiyada dowlda ayadoona
qaarkood shacab ay ahaayeen waxa ayna dalbadeen in arinkaa lahorgeeyo cidii
kadambeysay wasaarada arimaha gudaha iyo amaanka qaranka sis u`aalo looga
weydiiyo falalkaas.
Sharma’arke oo dhaq dhaqaaqyo ka wada
Kismaayo
Ra’iisul wasaarihii
hore ee dowladdii KMG ahayd Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maalmihii ugu
danbeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa
bilaabay dhaq dhaqaaqyo ku aadan arrimaha maamul u samaynta deegaanada
Jubbooyinka iyo Gedo.
Sharmaarke iyo Wafdi
uu hogaaminayay oo kamid yahay Wasiirkii hore ee Difaaca Xukuumadda Soomaaliya
hogaamiye kooxeed Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa maalmahaan ku sugnaa
Kismaayo.
Dhaq dhaqaaqa
Siyaasadeed ee magaalada Kismaayo uu ka wado Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake,
ayaa wuxuu ku aadan yahay sidii loo dadajin lahaa maamulka Jubaland.
Cumar Cabdirashiid,
ayaa la kulmay inta badan beelaha daga Jubbooyinka, islamarkaana kala hadlay
sidii qaab midaysan loogu wajihi lahaa Shirka ka socda magaalada Kismaayo.
Dadka la socda
arimaha Jubooyinka, ayaa aaminsan in Cumar C/rashiid iyo Gaandi ay hormuud u
yihiin dadka sii murjinaya xaalada gobalada Jubooyinka, ayna doonayaan
dadajinta maamul afduub ah oo aanan leesku raacsanayn, beelo badanna xaqooda
lagu duudsiiyo.
Waxaa jira
siyaasiyiin badan oo dano gaar ah leh, islamarkaana dantooda ugu weyn ay tahay
in ay helaan xilal oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka
Jubada Hoose.
Gaandi oo horeyu ugu
fashilmay Mashruucii Dowlada Fransiiska ay ka dambeesay ee “Azania” ayaa sida
Sharmaarke doonaya inuu kursi ka helo Maamulka “Jubbaland”.
Waxaa la sugayaa
ga’aanka ugu danbeeya oo ay dowladu ka qaadato arimaha Jubooyinka, xili dhowaan
ay fashilmeen wada hadallo u dhaxeeyay xukuumada iyo maamulka Axmed Madoobe.
Dowladda
iyo Ahlu Sunn oo heshiis dhinacyo badan gaaray
Dowladda Soomaaliya
ayaa galabta heshiis dhinacyo badan la saxiixatay maamulka Ahlu Sunna ee
gabalka Gedo.
Sidoo kale,
xukuumadda ayaa maamul KMG ah u dhistay gobolka Gedo, iyo degmada Garbahaarey.
Wasiirka
Gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi ayaa ugu horeyntii heshiis la
saxiixday ururka Ahlusunna Waljamaaca ee Koofur Galbeed Soomaaliya, iyadoo
heshiiskan uu goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaare Saacid.
Heshiiskan oo ka
koobnaa shan qodob ayaa u qornaa sidan.
1-In Ahlu Sunna Wal
Jamaaca loo mahad celiyo, lana aqoonsado halgankoodii dheeraa ee ay u soo
galeen in gobollada Koonfur Galbeed laga xoreeeyo Khawaarijta Al-Shabaab.
2-In ciidammada Ahlu
Sunna iyo Saraakiishooda la qarameeyo oo ay si rasmi ah uga mid noqdaan
Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
3-In qalabka iyo
gaadiidka Ahlu Sunna lagu soo wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
4-In la daryeelo
agoontii ay ka geeriyoodeen halgamayaashii ka tirsanaa Ahlu Sunna ee naftooda u
huray halganka khawaarijta.
5-In la magacaabo
gudi farsamo oo ka kooban labada dhinac si ay heshiiskaan u hirgeliyaan.
Sidoo kale,
heshiiskan kadib, Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku
dhawaaqay maamul gobol oo Kumeel gaar ah, kaasoo guddoomiye looga dhigay
Maxamed Cabdi Kaliil oo horay u heyn jiray xilkan, iyo guddoomiyaha degmada
Garbahaarey oo loo magacaabay Iimaan Caddow Kaarshe, waxaana Wasiirku kula
dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen mudadan
kooban adeegyadii bulshada, iyaga oo kaashanaya Wasaaraddaha Dawladda, wuxuuna
ka dalbaday inay gaarsiiyaan gobolka iyo degmada sidii maamul rasmi ah loo
dhisi lahaa.
Dhanka kale,
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka hor inta aanu ka dhoofin magaalada, waxa uu
booqday aagaga hore ee ay ku sugan yihiin boqolaal ka tirsan ciidamada
Dawladda, isaga oo u caddeeyey in wixii maanta ka dambeeya aysan jiri doonin
labo ciidan oo kala duwan oo ku sugan gobolka Gedo, wuxuuna xusay in ciidamadu
ay yihiin isku xaquuq, talis mid ahna ay hoostagaan kaasoo ah Taliska Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaaraha
ayaa kula dardaarmay ciidamadan inay sii wadaan xoreynta qeybaha weli ku jira
gacanta kooxaha nabadiidka ah ee ka tirsan gobolka Gedo, wuxuuna xusay in loo
dhameystiri doono wixii xaquuq ciidan ah.
Ugu dambeyntiina,
wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho,
waxaana socdaaladan ay qeyb ka yihiin socdaalo uu ugu kuurgalayo R.wasaare
Saacid xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolada iyo degaanada dalka.
Turkiga
oo shir u qabanaya Somalia iyo maamulka Somaliland
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay ka
qaybgali doonaan shir ka dhacaya dalka Turkiga, kaasoo la doonayo in lagu hadal
siiyo dowladda Soomaaliya iyo maamulkooda.
Shir jaraa’id oo uu goordhow
ku qabtay magaalada Hargeysa wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed
Cabdulaahi Cumar ayuu ku sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan shirka ka
dhacaya Turkiga.
“Waxaan rabaa in aan
caawa halkan ka sheego dowladda Turkiga in ay casuumad u fidisay Somaliland iyo
Somaliland, si loo amba qaado wadahaddaladii u dheexeeyay labada dhinac ee
sannadkii horre u billaabmay,marka nuxurka shirka jaraa’id ee aan u qabtay
wuxuu yahay in Somaliland soo dhaweysay oo aanu oggolnahay in wada-hadalka dib
loo billaabno dowladda Soomaaliya sida aan warka ku sheegnay ayna soo
dhaweysay, waxaana la rajeenayaa in labada gees in muddo labo toddobaad wax ka
fogeyn ay labada dal isku yimaadaan” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka oo la
weydiiyay, shirkan wax yaabaha uu uga duwan yahay labo shir oo horre ugana
dhacay London iyo Dubai? wuxuu yiri in shirka ka dhacaya Turkiga uu daba socdo
labadaasi shir, oo uu yahay mid la doonayo in lagu sii amba qaado wixii looga
hadlay shirkii London.
Si kastaba,
madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shaley ka
hadlaayay shir uu lahaa xisbiga KULMIYE wuxuu ku celiyay in maamulkiisa aanu ka
qaybgali doonin shirka 7-da bisha May ka dhacaya magaalada London ee dalka
Ingiriiska.
Dowladda Soomaaliya
ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin shirka la shegay in Turkiga uu u qabanaayo
dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland .
Baarlamaanka
Somalia oo maanta ka doodday dilalka ka dhaca Muqdisho.
Xildhibaannada
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah kulan ay ku yeesheen xarunta
golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, waxa ay uga hadleen dilal dhawaan ka
dhacay magaalada oo ay ku jiraan maxaabiis dowladda u xirnaa.
Cabdirashiid Maxamed
Xidiga oo ka mid ahaa xildhibaannada maanta ka hadlay kulanka baarlamaanka ayaa
sheegay in dowladda looga fadhiyo siddii ay u soo baari lahayd sababta keentay
in maxaabiis xiran iyagoo la dilay lagu arko wadooyinka magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay
dhaqanka noocaas oo kale in lagu yaqiinay Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Mahad
Cabdulle Cawad oo ah ku xigeenka labaad ee guddoomiyaha golaha baarlamaanka,
ayaa sheegay in aysan marnaba wax la qabali karo tahay, in qof maxuus ah oo
aysan maxkamad xukumin in la dilo, waliba meydkiisa la soo dhigo wadooyinka,
Kulanka maanta oo
aaneyn markii horre loogu talagalin in looga hadlo arrimihan, ayaa wuxuu horre
qorsha ahaa in warbixinno laga dhageysto xildhibaanno dhawaan ka soo laabtay
safaro ay ku tageen gobalada dalka qaarkood.
Si kastaba, dowladda
Soomaaliya ayaa sheegtay in guddi heer wasiirro ah loo xil saaray dilalkii loo
geestay maxaabiis u xirnaa dowladda oo meydadkooda lagu arkay deeganka Gubta ee
degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Xaalada
Magaalada Kismaayo oo kacsan iyo Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan oo Kasocda
Wararka ka imaanaya Magalada
Kismaayo ayaa waxa ey shegeen in xaalad kacsanaana ey ka jirto maantay iyadoo
ey jarantahay dhamaan isgaarsiinta dagmada.
Magaalada Kismaayo ayaa galabta waxaa ka jira
Dhaq dhaqaaq ciidan oo u dhaxeeya ciidanka dowlada Federaalka iyo kuwa raaskaamboniyiinta
iyadoo eysan cadeyn waxa uu salka ku hayo .
Dhaq dhaqaaqa Milatari ee galabta ka taagan
Kismaayo ayaa waxaa laga cabsi qabaa inuu ka dhasho isku dhac dhex mara labada
ciidan kuwa dowlada iyo kuwa raaskaambooniyiinta dhamaana waxaa jaranb is gaarsiinta
dagmada Kismaayo waxaan adag in la helo warar ku saabsan xaalada kismaayo.
Shabaab
oo Albaabada u Laabay Shirkada Dahabshiil Xarumaha ay ku Leedahay Deegaanada ay
Gacanta ku Hayaan
Xarakada shabaab
ayaa si KMG ah u xirtay xarumaha shirkada Dahabshiil ku leedahay deegaanada
gacanta ay ku hayaan shabaab gaar ahaan gobolada Baay Bakool Hiiraan.
Sida lagu daabacay bogga Somalimemo ee
taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ilaa 10-xarumo oo ay Dahabshiil ku
laheyd goboladaas amar lagu siiyay inay shaqada joojiyaan ilaa amar dambe.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in xarumaha
Dahabshiil ee Gobolada Bay, Bakool iyo Hiiraan ee ay xarumaha kaga lahaayeen
deegaanada Shabaab ka maamulaan ay ku howlanaayeen dhaq dhaqaaqyo halis ku ah
ammaanka, isla markaana ay jebiyeen nidaamka wilaayaadka Islaamiga ay u
dajiyeen shirkadaha ganacsiga.
Shirkada Dahabshiil
ayaa lagu eedeeyay inay ku howlaneyd fulinta waxa loogu yeeray mashaariic oo ay
horay u qaban jireen Hey’ado shisheeye oo laga mamnuucay deegaanada Al-Shabaab
ka taliyaan, kaasoo ka dhan ah ammaanka iyo kala dambeynta deegaanada Shabaab.
Xarumaha Shirkadda Dahabshiil ee maanta
albaabada loo xiray ayaa waxay kala yihiin Hiiraan sida Degmooyinka
Buula-Burde, Jalalaqsi, Maxaas, Moqakori, Halgan, Buqa-qable iyo Ceel Cali.
Sidoo kale Gobolada
Bay iyo Bakool ayaa deegaanada lagag mamnuucay ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka
Xudur, Waajid, Tiyeegloow, Rabdhuure, Diinsoor iyo Ufuroow, waxaana lagu
wargeliyay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas ay adeegyadooda xawaaladeed ka heli
karaan shirkadaha kale ee xawaaladaha ka furan deegaanadaas.
Go’aanka lagu xiray Xarumaha Shirkada
Dahabshiil ayaanan saamayn ku yeelanin deegaanada Shabaab ee Gobolada sida
Gedo, Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Shabeellada dhexe, Galgaduud iyo Mudug,
maadaama qoraalka lagu sheegay in xarumahaas aanay jirin wax lug ah oo ay ku
leeyihiin arimaha lagu soo eedeeyay Xarumaha shirkada ee ku yaalla Hiiraan,
Baay iyo Bakool.
Shirkada Dahabshiil ayaa ka mid ah shirkadaha
xawaaladaha ee ugu weyn Soomaaliya, waxayna xarumo ku leedahay dalka dibadiisa
ilaa gudaha dalka, Maamulada Somaliland iyo Puntland.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka
sare ee Shirkada Xawaalada Dahabshiil oo ku aadan eedeymahan iyo shaqa joojinta
lagu sameeyay qaar ka mid ah xarumahooda Gobolada Koofurta iyo Bartamaha
Soomaaliya.
Dowladda
Soomaaliya oo Heshiis La Saxiixatay Imaaraadka Carabta
Dowladda Soomaaliya
ayaa heshiis la saxiixatay Dowladda Imaaraadka Carabta kaasi oo quseeya
xiriirka labada dhinac.
Heshiiska labada Dowladdood oo ahaa qoraal
ayaa waxaa qodabadiisa ka mid ah sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka
dhaxeeya labada dhinac sida siyaasada amniga ganacsiga iyo diblumaasiyada.
Labada Dowladood aya heshiiska waxaa u
saxiixay wasiirada arimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji iyo Sheikh Abdullah bin
Zayed Al Nahyan waxaana diirada lagu saaray in la joogteeyo xiriirka u dhaxeeya
Imaaraadka iyo Soomaaliya.
Masuuliyiinta labada
Dowladood ayaa sheegay in heshiiskan uu wax ku ool u yahay labada dhinac ayna
filayaan in hormar laga gaari doono.
War
Saxaafadeed Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Soomaaliyeed
War Saxaafadeed Ka
soo Baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Soomaaiyeed ee ay ku mideysan yihiin
xildhibaanadii Hore ee Baarlamaanka
ayaa waxa uu kaga hadlay dhowr
qodob oo Xisbigu u arko in Masiirka Umadda Soomaaliyeed uu ku hagaagi karo.
Qodabada uu Xisbigu soo saaray ayaa waxaa ka
mid ah
1: in Ciidamada La tayo Geliyo
2: in Musuq Maasuqa Laga hortago
3: In aqoonsiga Caalamiga ah la soo celiyo
4: in qaar ka mid ah beesha caalamka ay
dhahaan Ra’isal Wasaarayaashii hore ee waraaqaha Noo soo diri jiray maaha kan
oo kale.
5: in arinta Jubbooyinka dowladda Kenya ay
faraha kala baxdo ayna ka fiirsato Mustaqbalka ay Soomaaliya ka leedahay
innagoo og in Axmed Madoobe uusan Maamul u sameyn Karin Jubbooyinka.
6: in aan Taageetsanahay arrinta Jubbooyinka
in dowladda Looga dambeeyo.
7: Horumarka dowladda ay gaartayna waa isla
shaqeynta Xukuumadda ,Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa in ayna sii socotaa.
8: waa in dadka Jooga dibadda iyo dalkaba ay
taageeraan Xukuumadda Ra’isal Wasaare Saacid kaas oo is bar bar yaacii Madaxdii
ka horeysay ku badalay wax qabad mideysan oo Gobol ,Tuulo illaa iyo degmo illaa
iyo qof uu kula tashanayo Gobollada dalka Soomaaliya.
9: Madaxweyanaha dalka Kenya waxa aan uga digeynaa in arinta Jubbooyinka ay
wadaan dadka wax iskuma falayaasha ay waji gabax kala kulmaan.
Xisbiga ayaa War
Saxaafadeedkaan ka soo Saaray Kulan weyn oo xubnaha Xisbigu ay ku yeesheen
Magaalada Muqdisho iyagoo ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dal
iyo dibad ka codsaday in ay Taageeraan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamo
Taba bar Loogu soo Xiray Baladweyne
Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee
Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaaladaasi Maanta Tababarro Loogu
soo gaba gabeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ciidamadani oo Gaarayo 500 oo Askari ayaa
Saraakiil Ka tirsan Ciidanka AMISOM waxa ay Muddo 3 Bilood ah ay ku taba
barayeen Xerada Lama Galaay ee Magaalada Baladweyne.
Korneel Ibraahim Cali faarax oo ka mid ah
Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee ku sugan Baladweyne oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada
Muqdisho ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidanka AMISOM ay Taba barro u soo gaba
gabeeyeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo Lagu wado in ay La
wareegaan deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ka arrimiyaan
Ururka Al Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee ku sugan
Baladweyne ayaa dhowr Jeer tababarro u fidiyay Ciidamo ka tirsan dowladda
Soomaaliya kuwaasi oo ka howl gala Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka
Hiiraan.
Siminaar
lagu Baranayay Dhaqaalo Abuurista oo lagu qabtay Caasimadda dalka
Waxaa lagu soo gababgabeeyay Magaalada Kuwait ee
Dalka Kuwait siminaar lagu baranayay sida loo abuuro dhaqaalo laguna dhiso
ganacsi ayna ka faa’ideystay in ka badan 40 dhalinyaro oo ka mid ah dhalinta ku
dhaqan dalka Kuwait isla markaasna ka shaqeysta halkaas.
Siminaarkan oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha
Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa casharo ka bixinayay khabiir ku
takhasusay arrimaha dhaqaalaha ahna Head of Internal Audit ee Bankiga
warshadaha Kuwait (Industrial Bank of Kuwait) Al-Ustaad C/kariin Muqtaar
ibraahim.
Ustaad C/kariin ayaa ugu horeyntii hadaladiisa
ku furtey dheerigelin iyo baraarujin isla markaas tibaaxey farqiga u dhaxeeya
ganacsiga xorta ah iyo shaqaalo noqoshada.
Intaas ka gedaal
ayuu ustaad c/kariin guda galey sharaxaad dheeraadna ka bixiyey hababka kale
duwan ee qofku u sameysan karo keyd dhaqaale isla markaasna ku ganacsan karo
soona qaatey tusaalooyin kale duwan.
Gabagabadii siminaarka ayey dhalinyardu tilmaamen sida ay ugu
riyaaqeen seminarkan una mahadceliyeen Ustaadka iyo Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka
Soomaaliyeed ee soo abaabuley seminarkan waxeyna codsadeen in mar labaad la
qabto seminaarkan oo kele
Roobab
lagu diirsaday oo ka dagay qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud
Roobab ay ku
diirsadeen dadka ku dhaqan dagmada Dhuusamareeb ayaa xalay ka da’ay dagmada
Dhuusamareeb iyo deeganada ku dhow dhow.
Roobabkan oo ahaa kuwa bilaawday xalay saqdii
dhexe ayaa waxa uu day’ayay muddo ku dhowaad Sideed saacadood ah waxaana uu
hakad galiyay goobihii ganacsiga, waxbarashada iyo isu socodka gaadiidka ayadoo
sidoo kale la damiyay shirkada korontada.
Qeybaha bulshada ee ku dhaqan Dhuusamareeb iyo degaanada ku dhow
dhow ayaa sheegay in roobkan uu yahay roobkii ugu badnaa ee muddo sanado ah ka
da’do qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.
Dhanka kale Roobabkii xalay ka da’ay gobolka
Galgaduud ayaa sameyn xoogan ku yeeshay dadka dan yarta ah, waxa ayna
tilmaameen in aysan haysan hooy ay uga gabadaan Roobka iyo dhaxanta.
Roobabkan ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka
Galgaduud oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa waxaa hadal ka soo baxay
maamulka dagmada Dhuusamareeb ay ku baqeen in gurmad loo fidiyo dadka dan yarta
ah ee uu saameyay Roobabka.
Faroole
oo ku wajahan Kismaayo
shirka juba
land loogu magac
daray oo la doonayo in maamul goboleed
loogu sameeyo goboladda jubooyinka iyo gado ayaa waxa uu manta galay
waji cusub iyadoo ka qayb galayaasha loo qaybiyay Waraaqaha uu ku qoran yahay
Dastuurka lagu wadi Doono Maamulkaasi .
Waxaa Goob joog ahaa Shirka Maanta Hugaamiyaha
Maamulka KMG ah Axmed Madoobe
Hugaamiyaha Maamulka La Magac Baxay Asaaniya Cumer Cabdi Rashiid oo Somalia Raysal Wasaare
ka soo Noqday iyo Kuwa kale. Waxaana
laga Codsaday ka qayb galayasha in ay Soo Aqristaan Shuruucda loo Qaybiyay isla Markaana
ay u diyaar garoobaan in barito ay ansixiyaan .
Wararka qaar baa sheegaya in Kismaayo uu ku
wajahan yahay Cabdi Raxmaan Faroole Hugaamiyaha Maamulka Puntland isla markana wararka qaar baa sheegaya in uu
doonayo in uu Furo Shirka oo Mudooyinkii
Dambe ay la soo Gudboonadeen Caqabado ay ka mid yihiin in uu yeeshay
Mucaaradad Badan iyo Taageeradii Dowlada Dhexe oo uu Waayay waxaa kaloo la sugayaa in uu tago Shirka Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah
Siyaasiyiinta Somalia
Raysal Wasaaraha
Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo
Wafdi Sare oo uu hugaminayo ayaa Dhawaan Gaaray Kismaayo Waxaana uu halkaa ku
sugnaa Mudo 3 Cisho ah isagoo intaa oo
dhan isku dayayay in uu ka dhaa dhiciyo
Hugaamiyasha Dhaqanka iyo Maamulka hada ka jira Kismaayo Sidii
Dowlada loogu soo wareeji lahaa Hogaanka Shirka . hase ahaatee Waa ku gacan
seyreen Arintas dhinacyadii uu la Kulmay waxaa uu Xaalku Noqday in uu iskaga soo laabto Raysal Wasaaraha
Natiijo la.aan isagoo Markii uu ku soo laabtay Muqdishana Shaaciyay In aysan
Dowladu Aqoonsan Doonin Wax kasta oo ka
soo baxa Shirka Juba Land loogu Magac Daray .
Xildhibaanno Iyo Wasiirro Maanta Ku Kulmay
Muqdisho Oo Dowladda Ka Codsaday in Dib Loo Celiyo Barakacayaashii Horey
Muqdisho U Yimid
Xildhibaanno iyo
Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada
Muqdisho ku yeeshay kulan kaasi oo ay kaga hadleen isbedellada ka jira
gobollada Koonfur Galbeed ee Dalkeenna
oo ay ugu horeeyaan isbedelka dhanka maamulka ah ee gobolka Baay lagu
sameeyey iyo dadkii horey Muqdisho u yimid ee barakacayaasha ahaa sidii dib
loogu celin lahaa.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirrada
iyo Xildhibaannada Dowladda uga jira gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa
ugu horeyn dhinacyadii ka qeybgalay waxey si wadajir ah u taageereen maamulkii
dhowaan loo dhaariyey gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo ayadoo dhinacyada
kulanka ka qeybgalayna ay shacabka gobolladaasi ku nool ku booriyeen inay
taageeraan maamulkooda cusub.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda
Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Ibraahin Isaaq Yaroow oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa
tilmaamay in hirgelinta nidaamka Federaalka uu yahay waajib dastuuri ah balse
la doonayo in talaabbo walba oo loo qaadayo dhanka federaalka lasoo wargeliyo
Dowladda oo aanay aheyn in shaqsiyaad ay jeebkooda federal u sheegtaan
hirgelintiisa.
Xildhibaan Maxamed Isaaq Aadan Afaraale oo
isna dhankiisa kulanka hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in ugu horeyn looga
baahanyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney gurmad deg deg ah u sameyso
dadkii dhowaan ka barakacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool kuwaasi oo
uu tilmaamay iney dhibaatooyin dhanka nolosha ah ku heystaan xadka u dhaxeeya
Soomaaliya iyo Ethiopia.
Kulanka ayaa dhinacyadii ka qeybgalay waxey ka
codsadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka iney dib u dejin u
sameyso dadkii horey ugusoo barakacay magaalada Muqdisho intii ay abaaruhu
jireen islamarkana dadkaasi loo baahanyahay in dib loogu celiyo deegaannadooda
oo ka wada tirsan gobollada Koonfur Galbeed sida Baay,Bakool,Shabeelada
Hoose,Gedo iyo Jubooyinka.
US sees
'no changes' to North Korean military posture The US has responded to North
Korea's threats by demonstrating its military capability Continue reading the
main story
The US says it is
seeing no signs of increased military activity in North Korea, even as it
positioned a warship close to the Korean peninsula.
The US had not
"seen action to back up the rhetoric", an official said.
But in the latest
show of military hardware, officials said a destroyer capable of intercepting
missiles was being moved to the Korean coast.
North Korea said on
Saturday that it was entering a "state of war" with South Korea.
"Despite the
harsh rhetoric we're hearing from Pyongyang, we are not seeing changes to the
North Korean military posture," White House spokesman Jay Carney said.
He added that the US
was ready to take prudent measures if needed.
Tensions are high in
the Korean peninsula following North Korea's third nuclear test in February,
and multiple threats in recent days from Pyongyang against US and South Korean
targets.
North Korea has been
angered both by UN sanctions imposed after its nuclear test in February and
joint US-South Korea annual military drills.
--Mali crisis: EU troops begin training mission
French fighting forces are preparing to
An EU mission to
train Malian soldiers is due to begin as part of efforts to help the West
African country counter an Islamist insurgency.
The first of four
Malian battalions will train under European instructors at the Koulikoro base
some 60km (37 miles) from the capital, Bamako.
A French-led
intervention that began in January has regained the main cities of northern
Mali from Islamist groups.
However, fighting
continues in the north.
Of the 550 troops
from 22 EU nations sent to Mali, about 150 are trainers with the rest made up
of mission support staff and force protection.
France is the
biggest contributor to the force with 207 troops, followed by Germany with 71,
Spain with 54, Britain 40, the Czech Republic 34, Belgium 25 and Poland 20.
Training takes place
under the control of French Brigadier General Francois Lecointre and is
expected to continue for about 15 months.
"Objectively,
it [the army] must be entirely rebuilt," said Gen Lecointre.
"The Malian
authorities are well aware of the need to reconstruct the army, very aware that
Mali almost disappeared due to the failings of the institution."
--Syria crisis:
March was 'conflict's deadliest month'A third of those killed during
"Bloody March" were civilians, according to the SOHR
More than 6,000
people died in Syria in March, the deadliest month since protests against the
government began two years ago, activists say.
The Syrian
Observatory for Human Rights (SOHR), a UK-based activist group, said it
recorded 6,005 deaths last month.
It said victims
included at least 291 women, 298 children, 1,486 rebel fighters and army
defectors, and 1,464 government troops.
The other casualties
were unidentified civilians and fighters, it added.
The anti-government
group, which monitors human rights violations on both sides of the conflict via
a network of contacts across Syria, said the total toll was much higher than
the 62,554 deaths it has documented.
"We estimate it
is actually around 120,000 people," Rami Abdelrahman, the head of the
group, told Reuters news agency.
"Many death
tolls are more difficult to document so we are not officially including them
yet."
The UN says more
than 70,000 people have been killed in Syria since the uprising began.
---- Rio minibus rape: Brazil police make
third arrest The first two arrested were Jonathan Froudakis de Souza (left) and
Wallace Aparecido Silva Continue reading the main story
Police in Brazil
have arrested a third man accused of robbing and raping a foreign tourist on a
minibus in Rio de Janeiro.
Two men were
arrested hours after the incident on Saturday and police say one of them has
confessed.
Police say a gang
raped the tourist and beat up her boyfriend, also a foreign national, forcing
them to withdraw money from cash machines.
Rio hosts the
football World Cup next year and the Olympics in 2016.
Curbing violence is
a major priority for city authorities.
Police say the gang
has been operating in Rio for several months and that other victims have come
forward since the incident.
Earlier, police
named the first two suspects arrested as Jonathan Foudakis de Souza, 20, and
Wallace Aparecido de Souza Silva, 22.
They later arrested
a third man named as Carlos Armando Costa dos Santos, 21.
Police said the
couple boarded the minibus in the neighbourhood of Copacabana.
It is believed that
the driver and two others made other passengers leave the minibus before
attacking the two tourists on the outskirts of Rio de Janeiro, police said.
The woman was
repeatedly raped and her boyfriend was handcuffed and badly beaten.
The couple were
dumped in the nearby city of Itaborai after being forced to use their credit
cards to buy goods and withdraw money from cash machines, the police report
says.
Police chief
Alexandre Braga said detectives had used the bank receipts and transactions to
track down the route the gang had taken.
"We identified
the places and sent out teams of police where we obtained even more information
about the suspects' physical characteristics and then a little while after
their identity," he said.
Robberies are common
on buses in Rio de Janeiro and other Brazilian cities but the violence and
audacity of the latest attack has shocked local media.
No comments:
Post a Comment