Muqdisho, Abril 08, 2013 (WDN)- Guddoomiyaha hay'adda culima'uddiinka Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ka badbaaday iskuday la doonayay in lagu khaarajiyo maanta, kadib markii gaarigiisa loogu xiray walxaha qarxa..
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Sheekha xilli uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla degmada Howl-wadaag loogu xirey baabuurkiisa waxyaabaha qarxa, laakiin nasiib wanaag uu ALLE ka badbaadshay weerarkaasi.
Sheekh Gurxan, ayaa ku eedeeyay weerarkaasi iskudayga fashilmay ahaa inay ka dambeeyaan kooxda al-Shabaab, oo uu sheegay inay caadeysteen leynta culimada iyo dadka masaakiinta ah sabab la'aan.
Wararka qaar, ayaa sheegaya in markii gaariga Sheekh Bashiir uu qarxayay uu Sheekhu laf-ahaantiisu saarnaa gaariga, uuna marayay agaagarka xaafadda Taleex ee degmada Hodan.
Waxa bur bur soo gaaray qeyb ka mid ah gaariga, iyadoo sida muuqatay oo dadka qaar ay sheegayeen in waxyaabaha qarxa lagu qariyey qeybta dambe ee gaariga Sheekh Bashiir Axmed Salaad, kaas oo markii uu qarxay burbur u geystay qeybta dambe ee gaariga wadaadka la weeraray.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad, illaa iyo hadda kama hadlin weerarkan lagu dili lahaa isaga, waxaase hore uu marar badan uga dhawaajiyay inay Shabaab malageeyaan weeraro ay doonayaan inay ku dabar gooyaan culimada Soomaaliyeed iyo waxgaradka bulshada.
Al-Shabaab, oo hore ugu hanjabtay cid kaste oo iyaga ka soo horjeeda, ayaanan illaa iyo hadda ka hadlin weerarkaasi fashilmay ee la doonayay in lagu dilo wadaadkaasi hoggaamiya hay'adda culimada Soomaaliyeed.
Jamaal A. Cismaan
WardheerNews.com Nayroobi, Keenya
|
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Monday, 8 April 2013
Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed oo weerar dil ah ka badbaaday
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment