Gaalkacyo[RBC Radio]Daaqiiqado kahor waxaa xaafadda Garsoor ee magaaladda Gaalkacyo lugu dilay AUN isuduwihii wasaaradda amniga Puntland uqabalsina gobolka Mudug Axmed Maxamed Axmed Dhagaweyne .
Sidda ay inoo xaqiijiyeen dad ka agdhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa inoo sheegay in dilka ay geesten koox ku hubeysned bastoolado kuwaasi oo an illa xiligaan haybtooda lagaran waxana gobjogaha uu inoo sheegay inay markibaa goobta ka baxsadeen kooxdi dilka gesatey.
Dhinaca kale rasaastii lugu furay marxuunka geeriyooday ayaa dhalisay dhaawaca qof rayid ah kaas oo haatan xaaladiisa caafimaad lugu dabiibayo isbitalka guud ee magaaladda Gaalkacyo.
Marxuunkan geeryodey ayaa horay uga soo qabten Puntland agaasimaha Hay’aadda miina baarka Puntland isagona xiligaan la dilay uu ahaa isuduwihii wasaaradda amniga Puntland uqabalsina gobolka Mudug Axmed Maxamed Axmed.
Kooxdaan dilka geesatey ayaa rasaasta kala begsatay marxunka madaxa.
Magaaladda Gaalkacyo ayaa muddi danbe ka resatay dilalka ay gesanayaan kooxo an inta badan haybtooda la aqoonsan.
Majiraan illa xiligaan cid ka hadashey dilka marxuun Axmed Maxamed Axmed walow aysan inoo suragalin xiriiro anu lasamenay saraakisha amniga gobolka.
RBC Radio
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo
No comments:
Post a Comment