Baydhabo(RBC Radio) Marxuum Xasan Max’ed Nuur oo loo yaqaanay “Shaati-gaduud” ayaa goordhow lagu aasay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,Meydka marxuumka oo saaka aroortii laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Salaadii Janaasada ee marxuumka madax uu ka mid ahaa madaxweynaha Jamhuuriyda Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud.
Markii lagu tukaday Salaadii Janaasada oo ka dhacday gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa meydka “Shaati-gaduud” loo duuliyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaas oo loogu sameeyey aas qaran oo ay hore ugu dhawaaqday dowlada Soomaaliya.
Wafti ballaaran oo ka socda dowlada Soomaaliya ayaa meydka marxuumka kasii raacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waftiga ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumada Soomaaliya Max’uud Axmed Saleebaan.
Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo loogu bixiyey Shaati-gaduud International Airport kadib markii ay dowladu tixgalisay sida uu sheegay dalab uga yimi maamulka iyto shacabka gobolka Baay oo dowlada ka codsaday arintaas.
Alla ha u Naxariistee marxuum Xasan Max’ed Nuur “Shaati-gaduud” ayaa ka mid ahaa siyaasiyaanta Soomaaliyeed wuxuuna xilal wasiir oo kala duwan kasoo qabtay dowladihii kumeelgaarka ahaa ee dalka soo maray,”Shaati-gaduud” ayaa ahaa aas aasihii Jabhadii la oran jiray( RRA) Rahanwein Resistance Army wuxuuna ugu danbeyntii 3-dii bishan April ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla wadanka Jarmalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment