Dubai(RBC):- Allaah ha u naxariistee, Maayerkii magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland Eng. Yuusuf Warsame Siciid, ayaa salaaddii hore ee saaka ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu dhawrkii bilood ee u dambeeyey xaalad caafimaad-darro u yaallay.
Marxuum Eng. Yuusuf Warsame Siciid ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada golaha deegaanka magaalada Hargeysa ee lagu soo doortay doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland ka qabsoontay 28-kii November 2012-kii, isla markaana laga soo dhex-doortay Xisibiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, waxaanu Yuusuf Warsame Siciid ku guulaystay in markii ugu horreysay ee Xildhibaannada golaha deegaanku fadhiistaan ay u doortaan Guddoomiyaha golaha deegaanka, ahna Duqa Caasimadda Hargeysa.
Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyo ee Eng. Yuusuf Warsame Siciid waxa xaalad caafimaad-darro haleeshay maalmo kooban markii uu xilka Maayernimo hayey, waxaana loo qaaday dalka Jabuuti oo markii dambe looga sii qaaday magaalada Dubai oo la dhigay Cisbitaal lagu magacaabo Al-Jazeera Huspital oo ku yaalla magaaladaas, halkaas oo muddo bilo ah lagu dawaynayey.
Marxuumka, ayaa laga soo qaadi doonaa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyada oo aas ballaadhan loogu samayn doono magaalada Hargeysa. Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyo Marxuum Yuusuf Warsame Siciid.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.
No comments:
Post a Comment