Sunday, 7 April 2013

khriso Magacyada Gudoomiyaasha la loo Magacaabay Gobolka Hiiraan iyo Qabiilkooda


Akhriso Magacyada Gudoomiyaasha la loo Magacaabay Gobolka Hiiraan iyo Qabiilkooda

Kadib Markii uu Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu Gaaray Wasiirka Kheyraadka Dalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamuud ayaa waxa uu hogaaminaayey Wafdi iskugu Jiro Xildhibaano iyo Maamulka Cusub ee Gobolkaasi hiiraan Loosoo Magacaabay.
Wasiirka  Kheyraadka Dalka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamuud ayaa wafdigiisa waxaa kamid ah maamul cusub oo loo magacaabay gobalka Hiiraan oo bedeli doona maamulka hada jira kaas oo shaqeyn doona muda lix bilood ah iyada oo xilligaas wixii ka danbeeyana ay dhacayaan doorashooyin dadka deeganku ay ka qeyb qaadanayaan oo muumulada dhan lagu soo dooranayo.
Cabdi Risaaq Maxamed Cumar ayaa waxa uu kulamo laleeyahay maamulka shaqada kasii tegaya, odayaasha dhaqanka ee deegaanka iyo sidoo kale ciidamada AMIOSM ee halkaasi ku sugan, iyadaa oo loo diyaar garoobayo ku dhawaaqida maamulka cusub oo maalinta berri ah xaflada looga dhawaqayo ay ka dhici doonto Baledweyne.
Cabdi Faarax Laqaanyo oo horay uga mid ahaa saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed oo loo magacaabay gudoomiyaha gobalka Hiiraan, lana filayo in maalinta berri ah looga dhawaaqo Xaflad kadhici doonta magaalada B/weyne oo ay maanta gaareen isaga, wafdi isugu jira, wasiirro, xildhibaano iyo waliba gudoomiyaha xilka warejinaya ayaa la sheegay in uu kasoo joodo Qabiilka Xawaadle oo ah Qabiilka ku Caansan Gobolka Hiiraan.
Cabdi fataax Xasan Afrax oo ah gudoomiyaha gobalka Hiiraan laguna magacaabay wareegto xafiiskii madaxweynihii hore ee Kumeel gaarka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maalmahaan kusugnaa Muqdisho iyada oo si aad ah looga dhaadhiciyay rabitaanka dowlada Soomaaliya iyo in uu xilka iska dhiibo iyada oo laqiyaasayoin balan qaadyo loo semeeyay.
Waayihii danbe ayaa xukuumada cabdi faarax Shirdoon waxa ay waday howla ay ku magacaabeyso maamullo kummeel gaar ah oo gobalada iyo degmooyinka dalka oo dhana ay ku ekeyneyso si maamuladii hore looga takhaluso looguna diyaar garoobo maamul shacabku soo doorto oo dhaca lix bilood kadib.

Runta Lama Shakaalo Shakina Waa La Hubiyaa

Shabakada Allcaasimada.com

Nagala Soo Xariiri Email - Allcaasimada@gmail.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...