Wednesday 3 April 2013

Soomaalida oo Looga Digay Kooxo Qawleysato ah oo Ku Sugan Kenya



Nairobi (RBC) Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah IOM ayaa dadka Soomaaliyeed uga digtay kooxo tuugeysi dadka ula xiriira oo ku sugan dalka Kenya kuwaasoo dadka weydiista lacag una sheega inay u hayaan socdaal wadamada Mareykanka, Canada iyo Australia.
Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah IOM waxay ogaatay been abuurasho ay sameeyeen ama ay hal abuurkeeda leeyihiin shaqsiyaad iska dhigaya in ay yihiin dad ka mid ah shaqaalaha Hay’ada IOM. Shaqsiyaadkan ayaa lasoo xidhiidha ama lasoo xidhiidhey dad ka mid ah mujtamaca ku nool dhulalka Soomaalida iyagoo dadka u sheegaya in ay ku guuleysteen Bakhtiyaanasib si ay lacag uga helaan dadka.
Shaqsiyaadkan sameynaya been abuurashada, waxay u sheegayaan dadka biri-magaydada ah in ay ku guuleysteen bakhtiyaa nasiib loogu qaadi doono Waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, Kanada ama Ustareeliya
“Fadlan Akhristo, ogow dadkani telefoonada dadka u soo diraya in ay yihiin Beenaaleyaal” ayaa lagu yiriu war saxaafadeed maanta kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah IOM.
IOM waxay sheegtay inaysan lahayn isla markaana aysan ka shaqeyninwax  kasta oo ku saabsan bakhtiyaa nasiib, iyadoo cadeysay in ay bari ka tahay waxyaabaha la midka ah arintan.
Hadii aad heshid telefoonada noocan ah, fadlan ha rumeysan, hana u jawaabin, hana u hogaansaminin codsi kaaga yimaadda qof doonaya in aad lacag sidaas ku siiso.
Fadlan noo soo tabi hadii aad telefonada noocan oo kale ah hesho iyo wixii akhbaar ah ee la xidhiidha arintan adigoo fariintaada ku soo diraya Ciwaanka : iomnairobi@iom.int and iomsomalia@iom.int

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

3 comments:

Anonymous said...

Excellent article. I absolutely love this website.
Keep it up!

my homepage; great golden lab mix tips

Anonymous said...

Wow, marvelous blog layout! How long have you been blogging for?
you make blogging look easy. The overall look of your
website is great, as well as the content!

Also visit my web page ... click this link

Anonymous said...

Incredible points. Sound arguments. Keep up the amazing work.



Review my web site click for mini goldendoodle breeder stuff

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...