Friday 3 May 2013

DEG DEG:Golaha wasiirada oo magacaabay taliyaal cusub oo ay yeelanayaan ciidamada booliska iyo nabadsuiga Soomaaliyeed



Muqdisho(RBC Radio) Shirkii Todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliyey ayey ku meel mariyeen Taliyaal cusub oo ay yeelanayaan ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo hay’ada nabad sugida dowlada.
Golaha wasiirada ayaa ku dhawaaqay in xil ka qaadis lagu sameeyey taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Shariif Sheekhuna Maye, waxaana xilkiisii loo magacaabay ku xigeenkiisii Jen Saacid,Dhanka kale golaha wasiirada ayaa taliyaha nabad sugida qaranka u magacaabay Bashiir Goobe.
Bashiir Goobo ayaa ka mid ahaa golaha wasiirada ee xiligan wuxuuna hayey xilka wasiir ku xigeenka wasaarada adeega bulshada,wuxuuna xilal dhowr ah kasoo qabtay xukuumadihii kumeelgaarka ee dalka soo maray,Bashiir ayaa sidoo kale ah qabiir ciidan oo ka tirsanaa saraakiishii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Dowlada Soomaaliya ayaa isbedelo ku samaysay Saraakiisha hogaaminaya ciidanka xooga dalka waxaana hore xilalkii looga qaaday taliyihii ciidanka xooga dalka Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo abaanduulihii ciidanka xooga Jen C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan waxaana xilalkaas la wareegay saraakiil cusub,waxayna ku macneysay sibedelka saraakiisha ciidanka mid dib boorka looga jafayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.



RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...